3384 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi la socdo oo mar dhow gaaray Beledweyne

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi la socdo oo mar dhow gaaray Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho,18 February 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa mar dhow gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay in dad careeysan ay jiraan.

Sida wararka ay sheegayaan, safarka Madaxweynaha ayaa ujeedadiisa tahay sidii qaar ka mid ah beelaha Gobolka Hiiraan ugu qancin lahaa ka qeyb galka shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay gogoshiisa taalo magaalada Jowhar, mudana uu soo jiitamayay.

Waxaa la sheegaya in Madaxweynaha uu kulamo la qaadan doono odayaasha iyo waxgaradka Beelaha Gobolka Hiiraan, si uu u xaliyo muranka ka dhashay qeybintii Odayaasha soo xulaya ergooyinka ka qeyb galaya shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Waqti labo todobaad ka hor ayaa wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano gaaray magaalada Beledweyn ay ku guuldareysteen in mar kale odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan ku qanciyaan inay tagaan Jowhar, si ay uga qeyb galaan shirka maamul u sameynta Labada Gobol.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhamaadkii bishii December booqasho ku tagay magaalada Beledweyn, maalmo kadib markii Madaxweynuhu wareegto ku magacaabay in magaalada Jowhar lagu qabanayo shirka maamul u sameynta, halka Buulo Burde ay tahay Caasimada Maamulka labada gobol, taasoo qaar ka mid ah beelaha reer Hiiraan ka hor-yimaadeen, Waxaana kulamo uu xilligaas beelaha la qaatay uu ku guuleystay inuu ku qanciyo ka qeyb galka shirka.

Sida an la socono, markii Madaxweynaha uu magaalada Jowhar ka furay shirka 12-kii bishii hore ee Janaayo ayaa hadana waxaa soo baxay caqabad kale, kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku dhawaaqday tirada odayaasha dhaqanka soo xulaya ergooyinka ay beel walba saluugtay tirada ku soo aaday.

Lama oga inta ay qaadan doono booqashada Madaxweynaha uu ku tagay Beledweyn, waxaase laga yaabaa in maalmo ay qaadato sidii beelaha ugu dhaadhicin lahaa ka qeyb galka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, taas oo ah Caqabad an sahlaneeyn.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment