3474 Views

Qodobada Dastuurka ee Wax Laga Bedeley

Qodobada Dastuurka ee Wax Laga Bedeley
____________________________________________________________________________

Muqdisho,18 February 2016: Barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu go’aamiyey in qodobada dastuurka ee wax laga bedeley la geeyo magaalooyinka Kismaayo, Cadaado, Beydhabo iyo magaalooyinka kale, si shacabka kunool ay fekerkooda uga dhiibtaan. Dhanka kalena barlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya sheegay inay waajib tahay in dhammaan umadda Soomaaliyeed ay ka qayb qaataan dhamaystirka dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya. Xoghayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in baarlamaanka uu ku dadaalayo in lagu baahiyo dalka oo dhan dhameystirka dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Xoghayaha ayaa sheegay in magaalada Muqdisho xarunta Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu qaban doono shirweyne oo ay ka qaybgeli doonaan dadweyne badan oo looga hadlayo arrimaha wax ka bedelka iyo dibu-eegista Dastuurka Wadanka. Barlamaanka ma uusan soo hadal-qaadin Soomaaliland iyo qaybaha kale ee meesha ka maqan. Sidee la rabaa in Soomaaliya la isugu keeno?

Siyaasiyiinta qaar ayaa la yaaban sida ay arrintaas u hir-gelindoonto. Dowlada Soomaaliya wadanka barkii fara kuma hayso, sidaas dartee waxa wanagsan in marka hore wadanka la xureeyo, lana dhameys-tiro howlaha ka horreeya Dastuurkan uu hada Barlamaanka la ordayo.

Siyaasada Dowlada Soomaaliya beryahaan waxa ay noqotay ” Nin Bukoow Boqoli Kuu Talisay. “

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment