4914 Views

Zidane oo Guushii 1 ee Champions League la Gaaray Real Madrid…

Zidane oo Guushii 1 ee Champions League la Gaaray Real Madrid…
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 18, 2016 – Zanadine Zidane Tababaraha Cusub ee Kooxda Real Madrid ayaa Xalay Guushiisii 1 la Gaaray Kooxda  Real Madrid waxaana Coach Zidane Guushaan uga dhigan tahay inuu lugta sii Galiyay wareega 8 ee Koobka Champions League 2015-2016.
kulan la wada sugayay kana mid ahaa kulamada darbiga ah ee Wareega 16 koobka Champions League 2015-2016 ayaa xalay dhexmray Kooxaha Roma iyo Real Madrid,waxaana qeybtii hor lagu kala nastay 0-0,iyadoo qeybtii danbe markii la isagu soo laabtay ay kooxda martida aheyd ee Real Madrid ay dhaliyeen 2 gool oo Roma u quus goysay waxaana u kala dhaliyay weeraryahandooda Ronaldo iyo Rodriguez
guushaan waxa ay ka dhigan tahay inay Real Madrid sii carbuuntay Ka qeybgalka Wajiga 8 ee Champions League,romana ay ka dhigan tahay kooxdii ugu horeysay ee ku hartay Lugta 16
Dhinaca kale Kooxda Gent ee Reer Biljam ayaa iyaduna guul daro kala kulantay Kooxdii martida u aheyd ee Wolfsburg oo ka socotay Jarmalka,waxaana kulankaasi 2-3 ku badiyay Wolfasburg oo lugta 2 ee wareega 16 marti loo yahay.
N.B Kooxaha Real Madrid iyo Wolfsburg ayaa ku soo baxaya barbardhac ama badis walow Real Madrid oo rajadeedu cirka mareyso ay ku hari karaan 0-3 taasoo ay adag tahay in Roma ay keento,halka Wolfsburg ay ku hari karto hadii looga badiyo 4 vs 2.
.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment