5028 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo casho sharaf ku marti-qaaday ciyaartoydii 11-jirada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo casho sharaf ku marti-qaaday ciyaartoydii 11-jirada
____________________________________________________________________________

Muqdisho,19 February 2016: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay aqalka dowladda Hoose Ciyaartoydii 11-jirada ahaa ee ka qeyb gashay Tartankii Jeem Cup ee lagu qabtay dalka Qadar.

Casho sharaftaan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyeyaasha Maamul goboleedyada, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, kuwaasoo bogaadiyay da’yarta 11-jirada matalayay Xulka Qaranka Soomaaliya.

Gudoomiye Yuusuf ayaa sheegay in da’ yartan 11-jirada ay guul u soo hoyeen magaca iyo Calanka Soomaaliyeed, isagoo mid mid u guddoonsiiyay abaal marin lacag shiling Soomaali ah.

“Waxaa guul u soo hoyseen magaca iyo Calanka Soomaaliyeed, waxaana tihiin da’yar mustaqbal ifaya leh”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa ballan-qaaday in dhalinyaradan ay yihiin wixii hada ka dambeeya Kooxda dowladda Hoose ee loo yaqiin Minishiibiyo, isla markaana Dowlada Hoose ay gacanta ku heyn doonaan dhalinyaradaan qiimaha badan leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha da’yartan, isagoo bogaadiyay guusha ay soo hoyeen.

11-jirada ayaa saddexdii kulan ee ay ciyaareen Tartankii Jeem Cup galay bar baro, iyadoo aan wax guuldaro ah la kulmin, balse tartanka ka soo haray, markii ay saddex dhibcood la soo noqdeen.

gobolka-soo-4

gobolka-soo-2gobolka-soo-1gobolka-soo-5gobolka-soo-6gobolka-soo-7

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment