3234 Views

“Madaxweynaha iyo Ugaas Xasan waa isla meel dhigeen inta badan cabashadii jirtay”

“Madaxweynaha iyo Ugaas Xasan waa isla meel dhigeen inta badan cabashadii jirtay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho,19 February 2016: Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) oo ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan,  ayaa faah faahin dheer ka bixiyay kulankii shalay magaalada Beledweyn ku dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ay wakiisheen beelaha reer Hiiraan, isagoo tilmaamay la isku afgartay inta badan waxyaabihii la isku diidanaa ee ku aadanaa dib u bilaabida shirka maamul u sameynta Gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha, ayaa rajo ka muujiyay in odayaasha dhaqanka reer Hiiraan ay ka qeyb geli doona shirka maamul u sameynta, isla markaana dhowaan dib loo bilaabo doono shirkaHiiraan iyo Sh/dhexe.

“Sida la socotaan shirka waa tii laga furay Jowhar, waxaa jiray waxoogaa buuq ah oo dhanka reer Hiiraan ka imaanaya, Madaxweynaha wuxuu u yimid Beledweyn in qeylada jirta inuu xaliyo, waxay kulmeen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo dadka reer Hiiraan intooda badan ay wakiisheen, inta badna waxyaabihii ay ka wada hadleen waa isku waafaqeen inta badna wixii la isku diidanaa, waxa dhiban dib ayaa laga dhameystiri doonaa waqti dhow, shirkana dib ayaa looga furi doonaa Jowhar, sida wareegtada Madaxweynaha ku soo baxday”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Mar uu tilmaamay waxyaabaha la isku mari la’yahay ayuu tilmaamay inay jiraan waxyaabo ay kala jiidanayaan siyaasiyiin dano gaar ah leh, balse aanay dadka reer Hiiraan iyo Sh/Dhexe aanay is necbeyn oo ay ogyihiin in ay walaala yihiin.

“Dadka reer Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe isma neceb, caqabadaha jira waa wax qeybsiga, oo siyaasiyiin dano gaar ah leh baa wax kala jiidanaya, guddiga farsamada hadii qeylo ka timid waa la saxayaa, wax kasta oo cusub qeylo waa ka imaaneysaa, waana la saxayaa”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Warka ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Madaxweynaha uu booqasho gaaban ku tagay magaalada Beledweyn, si uu u xaliyo cabashada beelaha reer Hiiraan ee ku aadan shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment