3480 Views

Dowlada oo amartay in si rasmi ah loo xiro ilaa 35 Website

Dowlada oo amartay in si rasmi ah loo xiro ilaa 35 Website
____________________________________________________________________________

Muqdisho,20 February 2016: Waa marki ugu horreysay taariikhda warbaahinta casriga ee Soomaaliya ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ku guuleysatay in ay ka mamnuucdo gudaha dalka in laga fiirsado ama laga aqristo qaar ka mid ah baraha internetka ee af Soomaaliga ku qoran.

Amarkaan kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu diiday in gudaha dalka Soomaaliya laga aqristo ilaa iyo 35 website oo ay Dowlada ku eedeysay in ay warar isugu jira marin habaabin iyo anshax darro ku fidinayaan bulshada Soomaaliyeed dhaxdeeda.

Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa laga filayaa in ay tallaabadan qaado isla markaana dhaqan geliso xayiraada website-yadan kor ku xusan.

Markaad aad isku daydo inaad furto qaar ka mid ah website-yadaasi ama barahaasi internetka adiga oo jooga meel ka mid ah Soomaaliya ayaa waxaa kuusoo baxaya qoraal ku qoran afafka Soomaaliga, Carabiga iyo English-ka oo dhahaya ‘’Website-kan waa la xadiday’’.

Waa marki ugu horreysay oo ay Dowlada Soomaaliya ka xirto hawada Soomaaliya qaar ka mid ah websiteyo si rasmi ah ama si aanan rasmi aheyn.

Qaar badan oo bulshada ka mid ah, yaaa aaminsan inn tani ay calaamad u tahay horumarka xaga tiknoolojiyada ee ay qaadeyso Dowlada Soomaaliya ee ku wajahan xaga warbaahinta, hase yeeshee dadka u dooda xurriyatul qowlka ayaa ku eedeeynaya dowlada in ay ku xadgudbeyso xaqa ay wariyaasha iyo milkiilayaasha websiteyada ay u leeyihiin in ay  kusoo bandhigaan fikradahooda xorta ah ee kala dhaxeeysa saxaafadda xurta ah.

Sanadki tagay dhaxdiisa ayey aheyd marki  ay ku dhawaaqday Dowlada Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday in ay xayirayso ilaa iyo 35 website oo Soomaali iyo Ajnabi intaba ah.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment