3534 Views

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida oo saaka laga sugaayo Baarlamaanka

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida oo saaka laga sugaayo Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho,20 February 2016: Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo ah Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya  iyo Taliyaha Hey’adda Nabadsugida Qaranka ayaa maanta lagu sugayaa inay hor-tagaan Baarlamaanka Soomaaliya, si ay su’aalo ugaga jawaabaan Xildhibaanada.

Madaxda qaabilsan dhinaca ammaanka ayaa waxaa su’aalo laga weydiinayaa arrimaha ku aadan baaritaanada lagu sameynayo Xildhibaanada Baarlamaanka, marka ay ka dhoofayaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ayaa ka hor-yimid in baaritaan lagu sameeyo, iyagoo ku dooday inay leeyihiin xasaanad, isla markaana ay tahay mid xadgudub ku ah dastuurka, kaasoo dhigaya in Xildhibaanka la baari karin, gurigiisana aanay Ciidamo geli karin hadii Maxkamad aysan ogolaan.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo todobaadkii hore su’aalo uga jawaabay Xildhibaanada ayaa sheegay in aanay jirin amar ka soo baxay oo lagu baarayo Xildhibaanada.

Jen. C/raxmaan Tuur Yare Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa todobaadkii hore mar uu ka soo degayay garoonka diyaaradaha waxaa uu maray baaritaanada garoonka, isla markaana kabaha iyo suunka siibaya, si uu ugu dhiira geliyo mas’uuliyiinta dowladda inay maraan baaritaanada.

Qaraxi Diyaaradda Daallo kadib waxaa la adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo shacab iyo Mas’uulna si isku mid ah loo baarayo hadii uu ka dhoofayo garoonka iyo hadii uu ka soo degayo. Arrintaan ayaa dadka qaar ay aad ula dhacsanyihiin

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment