4701 Views

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 20 February 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Xabsi dhexe iyo Xartunta ciidanka Asluubta oo casri ah oo la dhagax dhigay, Howlgallo amniga lagu sugayo oo 26 Al-Shabaab lagu soo qabtay, Britain oo $4.3 million siinaya ciidanka XDS, Waddo isku xireysa Muqdisho iyo Hobyo oo xariga laga jaray, Ciidanka Dowladda oo la wareegey deegaanka Buur-weyn, Gaadiid la guddoonsiiyey Booliiska gobolka Hiiraan, Daahfur loo sameeyey dhameystirka Qoddobo ka mid ah Dastuurka, Guddi madax-bannaan oo isu xilqaamay xalinta khilaafka NUSOJ, Guddi dhexdhexaadin ah oo loo sameeyey NUSOJ, Xarunta Daryeelka Hooyada & Dhalaanka ee Isbitaalka Laasareeti oo dayactir lagu sameeyey, Saraakiil XDS oo tababar mudo bil ah socday loo soo xiray, Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray dhismo cusub oo lagu kordhiyey Dugsiga Sare ee Al-Waaxa, Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay waddada isku xirta SOOBE iyo Danwadaagta ee degmada Wadajir, Wadooyinka degmada Kaxda oo la dayactirayo iyo Madaxweynaha Koofur-Galbeed oo xariga ka jaray waddo laami ah

Xabsi dhexe iyo Xartunta ciidanka Asluubta oo casri ah oo la dhagax dhigay.

waxqabadka-df-11

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa 18kii Feberaayo 2016 xariga ka jaray mashruuca is-dhexgalka Cadaaladda iyo Maxaabiista iyo Mashruuc kale oo lagu dhisayo Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliya. “Ciidamada Asluubtu, Waxay qayb ka yihiin Ciidamada Qaran ee aan leenahay, oo aan ku faanno. Waxay si xil-kasnimo ah uga soo baxeen waajibaadkooda gaarka ahaa ee loo xil-saaray, iyagoon helin taageero ku filan oo Hawshooda ku gudan karaan, is-xil-qaankooda ayaa keenay in maanta ay halkaan kusoo bandhigaan cutubyo si wanaagsan loo tababaray oo diyaar u ah gudashada waajibkooda iyo inay awoodeen inay dhistaan Xarumahoodii,” ayuu yiri RW Somalia. Ugu dambeyn, RW Somalia ayaa xarigga ka jaray labo Mashruuc oo Dib-loogu dhisayo Xarunta Ciidamada Asluubta iyo Xabsiga Dhexe, wuxuuna mahadcelin u jeediyey Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliya iyo cid walba oo gacan ka geysatay fulinta Mashaariicdan, isagoo Dallacsiiyay qaar ka mid ah Saraakiisha ugu Howl-kar-sanaa ee Waajibaadkooda u gutay si daacad ah. Ciidamada Asluubta Somalia, ayaa 18kii Feberaayo 2016 xusay Sannad-guuradii 46-aad ee kasoo Wareegtay markii la Aasaasay, waxaana Xuska ka Qayb-galay RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Xubno Wasiirrada Xukuumadda ka tirsan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka iyo Saraakiisha ciidanka Somalia.

waxqabadka-df-1

Howlgallo amniga lagu sugayo oo 26 Al-Shabaab lagu soo qabtay

Howlgal lagu sugayo amniga ayaa habeenkii 17ka Feberaayo 2016 laga sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Hilwaa ee gobolka Banaadir, waxaana fuliyay Ciidanka Hey’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA. Goobaha howlagalada ay ka socdeen ayaa waxaa kormeerey mas’uuliyiin uu kamid ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo saraakiil ka tirsan nabad sugidda Soomaaliya. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay in howlgalka lagu qab qabtay dad tiradooda gaarayso ilaa 300 oo ruux kuwaas oo ugu dambeyntii markii la-kala saaray laga soo reebay 26 qof oo ayaga qirtay in ay ka tirsan yihiin Alshabaab.

waxqabadka-df-9

Britain oo $4.3 million siinaya ciidanka XDS

Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday taageero lacageed oo dhan $4.3-milyan oo ay siineyso ciidanka XDS. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ciidanka Qalabka Sida ee Britain, H.E. Penny Mordaunt ayaa deeqdan lacageed uga dhawaaqday magaalada Muqdisho oo ay 14kii Feberaayo 2016 soo booqatay, waxayna sheegtay in lacagtan oo la sii marin doono sanduuqa Qaramada Midoobey ee taageera ciidanka loo adeegsan doono sahayda cunnada, shidaalka iyo caafimaadka ee ciidanka. Kulan ay Muqdisho kula yeelatay R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayey ka sheegtay in ay taageerayaan dadaalka dib u dhiska ciidanka xoogga dalka si ay aas-aas ugu noqdaan soo celinta amniga Soomaaliya. H.E. Penny Mordaunt waxay intaas ku dartay in ay sii wadi doonaan taageeradooda ciidanka iyo qalabeyntaba si ay ugu guuleystaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab ee dhibaatada ba’an ku heysa ummadda Soomaaliyeed. Wasiiru dowlaha ciidamada ee Britain ayaa intii ay Mqudisho joogtay waxay sidoo kale la kulmay wasiirrada Gaashaandhigga, Amniga, Taliyaha ciidanka XDS iyo Danjirayaasha Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya.

waxqabadka-df-3

Waddo isku xireysa Muqdisho iyo Hobyo oo xariga laga jaray

16kii Feberaayo 2016 ayaa Munaasbada xariga looga jarayey hirgalinta waddo cusub oo isku xiri doonta magalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ka qeyb galey Imaam Maxamed Yuusuf Cali, Gudoomiyeyaasha gobolada Baandir iyo Shabeelada Dhexe, Ugaasyo, Malaaqyo, Nabadoonno, Ganacsato, haween, Siyaasiyiin iyo injineero ku howlan dhismaha wadadan oo laami casri ah la saarayo. Wadadan oo uu dhagaxdhigey Imaam Maxamed Yuusuf ayaa waxaa ka shaqo bilaabey gawaarida lagu falo geedaha iyo kuwa qashinka qaada, oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo ku tabarucay in loogu adeego dhismaha wadadan oo 560km ah, waxaana goobta lagu soo bandhigay sanduuq ay dadka kaga qeyb qaadan kaaran dhismaha waddadan, iyadoo ay hirgelinayaan Nabadoono iyo ganacsato Soomaaliyeed. Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo dhagax dhigay waddada ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dib u dhiska waddadan isku xiri doonto Muqdisho iyo Hobyo.

waxqabadka-df-8

Ciidanka Dowladda oo la wareegey deegaanka Buur-weyn

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM ayaa habeenkii 12kii Feberaayo kala wareegay maleeshiyada Al Shabab deegaanka Buur-weyn ee hoostaga degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan. Gudoomiyaha Buulaburde, C/casiis Duuroow Cabdi ayaa sheegay in deegaanka Buur-weyn ay ahayd goob maleeshiyada Al-Shabaab ay dadka ku dhibaateyn jireen, waxaana uu intaa ku daray in ammaanka deegaanka laga fara maroojiyay argagixisada Al-Shabaab uu yahay mid hagaagsan.

Gaadiid la guddoonsiiyey Booliiska gobolka Hiiraan

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaliyeeda Jeneraal Maxamed Sheekh Xassan Xaamud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray 17kii Feberaayo 2016 magalaada B/weyne ayaa ka qeyb galay Munaasabad Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan loogu wareejiinayay gaadiid loogu talo galay in ay ku shaqeeyaan ciidamada booliska ee ka howlgalka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Munaasabada wareejinta gadiidkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliya jeneraal Maxamed Sheekh Xassan Xaamud, Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, Taliye ku xigeenka Ciidamada Dalka Jabuuti, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan, maamulka Degmada, Taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Col’isaaq Cali Cabdulle iyo masuuliyiin kale. Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sheekh Xassan Xaamuud ayaa sheegay in gaadiidkan lagu wareejiyay ciidamada booliska Gobolka uu qeyb ka yahay gadiid loogu talo galay ciidamada booliska ee ka howlgala Gobollada dalka islamarkana horey gadiid loogu wareejiyay Maamulada kale ee ka jira Dalka.

waxqabadka-df-4

Daahfur loo sameeyey dhameystirka Qoddobo ka mid ah Dastuurka

Ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Wasiirro iyo Xildhibaanno ayaa 15kii Feberaayo 2016 ka qeyb galay kulan lagu soo bandhigayay daah furka qodobo ka mid ah dastuurka KMG ah ee dalka oo wax ka badal lagu sameeyay. Kulanka oo lagu qabtay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay guddoomiyeyaasha baarlamaanada maamul gobolyeedyada dalka, Guddoomiyaha Banaadir iyo xubno ka tirsan ururrada Siyaasadeed ee dalka. Dib u eegstaan lagu sameeyey qayb ka mid ah dastuurka KMG ah ayaa waxaa ka soo shaqeeyey gudiga madax banaan ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga baarlamanaka u qabilsan Arrimaha dastuurka dalka oo la shaqanaya Wasaaradda Dastuurka. Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim Guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee Barkamaanka Soomaaliya ayaa munasada ku soo bandhigtay qaybaha ay wax ka badalka ku sameyeen. Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Xuseen ayaa xusay in qodobada dastuurka ee aan lagu samayn dib u eegista ay yihiin kuwa u baahan wada tashi lala yeesho maamul goboleedyadda dalka, dhawaana ay bilaabi doonaan wada tashigaasi. Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali iyo Guddoomiyaha barlamaanka ahaana Kusimaha Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa soo dhoweeyey sagaalka qodob ee dib u eegista lagu sameeyay oo kala ahaa qodobada 1aad, 2aad, 4aad, 5aad, 10aad, 12aad, 13aad, 14aad iyo 15aad kuwaasi oo u badan dhanka farsamada ah.

waxqabadka-df-7

Guddi madax-bannaan oo isu xilqaamay xalinta khilaafka NUSOJ

16kii Feberaayo 2016 ayaa Gudiga madaxa banaan ee xalinta khilaafkii ka dhaxeeyay hogaanka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ay kulan la yeesheen Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Guddigan waxaa soo wakiishay Warbaahinta dalka waxeyna Wasiirka kala hadleen hadleen arrimo ay ka mid yihiin warbixin ku saabsan halka ay mareyso howsha guddiga oo ah dhameynta khilaafka mudada soo jiitamayay iyo helida qorshe dhab ah oo lagu dhisayo hogaan ururka NUSOJ uu yeesho. Cabdi Maalik Yuusuf Maxamed oo ah milkiilaha Idaacada Shabeele iyo Ismaaciil Sheekh khaliif oo labaduba ka mid ah guddiga ayaa sheegay in ujeeddada kulankoodu uu ahaa in ay uga warbixiyaan waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay howshan dhex dhexaadinta ah ku jireen, iyagoo ka codsaday in Warbaahinta Soomaaliya ay howshan ku garab istaagaan. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir ‘’Meereeye’’ ayaa sheegay in Wasaarada Warfaafinta iyo ka dowlad ahaanba ay taageerayaan dadaalada Warbaahinta Soomaaliya lagu horumarinayo, maadaamaa dalka hada isbedelo dhinaca horumarka ah uu galayo. Wasiirka ayaa yiri “Mowfiqka dowlad ahaan iyo kan Wasaarad ahaan, waxaan cadeynayaa in NUSOJ ay tahay urur saxaafadeed oo madax banaan, kaasi oo ay leeyihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed, tan kale guddigan anigu ma soo xulin ee bahda Warbaahinta ayaa iska soo dhex dooratay, anaguna waxaan ku leenahay inaan talo ku biirino, iyaguna ay warbixin naga siiyaan halka ay wax u mareyso” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Xarunta Daryeelka Hooyada & Dhalaanka ee Isbitaalka Laasareeti oo dayactir lagu sameeyey

Munaasabad ujeedkeedu ahaa furitaanka dib u dayactir lagu sameeyay xarunta daryeelka Hooyada iyo dhalaanka ee isbitaalka Laasareeti ee magaalada Muqdisho ayaa la qabtay 16kii Feberaayo 2016. Maxamud Xasan Mooge Xiriiriyaha Gobolka Banaadir ee hay’ada EUTM ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay tahay deeq yar oo wax weyn tari doonto isbitaalka, gaar ahaan qeybta hooyada iyo dhallaanka oo maanta dib loo furay. Agaasimaha Cusbitaalka Laasareeti Drs Faadumo Cabdi Macow ayaa ka mahadcelisay dib u dayactirka lagu sameeyay qaybta hooyada iyo dhallaanka, taasi oo gacan ka geysan doonta daryeelka Hooyada iyo dhallaanka. Drs Mina Xasan Shibis oo ka mid ah Ururka Dhaqaatiirka ayaa tilmaantey in baahi weyn loo qabo helitaanka qeyb lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka, waxaana ay ku baaqday in dib u dhis lagu sameeyo xarumaha danta guud ee loogu adeegayo bulshada. Col Pernaardo oo ku hadlaayey magaca Ciidamada Talyaaniga ee hirgeliyey Dayactirka ayaa sheegay in aysan ahaan doonin tii ugu dambeysey ee ay u qabtaan bulshada Soomaaliyeed, ayna diyaar u yihiin inay joogteeyaan dib u soo nooleyta adeegyada guud ee bulshada. Gudoomiya Degmada C/siis Cusmaan Muxyadiin Cali ayaa u mahadceliyey Ciidamada Talyaaniga ee qeybta ka ah ciidamada Midowga Yurub ee tababbarada siiya ciidamada xoogga dalka dib u dayactirka ay ku sameeeyen qebta hooyada iyo dhallaanka.

waxqabadka-df-10

Saraakiil XDS oo tababar mudo bil ah socday loo soo xiray

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Sareeya Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa 18kii Feberaayo 2016 tababar u soo xiray lix sarkaal oo ka tirsan Taliska Guud ee Ciidanka Xooga Dalka oo mudo bil ah tababar uga socday magaaladda Muqdisho, waxaana tababarkan bixinayay dowlada Ingiriiska. Xiritaanka tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay safiir ku xigeenka safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya iyo madaxa xafiiska Ingiriiska ee horumarinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya. Andrew Auen oo ah safiir ku xigeenka safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Taliyaha Ciidanka XDS Sareeya Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa ugu horeyn u mahad celiyay safaarada dowlada Ingiriiska ay ku leedahay dalka Soomaaliya ,wuxuuna kula dardaarmay saraakiisha tababarkan ka faa’ideystay in ay gaarsiiyaan saraakiisha kale ee aanan fursadan helin. Ugu dambeyn taliyaha ciidanka xooga dalka iyo safiirka ku xigeenka safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa shahaadooyin gudoonsiyay saraakiishan tababarka dhameystay.

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray dhismo cusub oo lagu kordhiyey Dugsiga Sare ee Al-Waaxa

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michele Cervone ayaa 15kii Feberaayo 2016 waxay si wada jir ah xadhigga uga jareen dhisme cusub oo uu Midowga Yurub ku soo kordhiyey Dugsiga sare ee Al-waaxa ee Magaalada Gaoowe. Dhismahaas oo wax badan ku soo kordhiyey waxbarashadii dugsigaasi. Munaasibadda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Danjiraha midowga yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michele Cervone, Saraakiil ka socota Hay’adaha Puntland kala shaqeeya arrimaha wax-barashada, saraakiil kasocoto Madaxtooyada Puntland iyo dadweyne kale. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michele Cervone ayaa markii la soo afmeeray munaasabadaasi shirjaraa’id ku qabtay xarunta Cilmi baarista iyo Horumarinta ee PDRC, waxana ay kaga warbixiyeen Mashcuura Aqoontu waa Iftiin oo midowga yurub uu ka caawiyo Puntland. “Barnaamijkani waxa uu socon doonaa muddo saddex sanno ah, waxaana lagu dhisayaa ilaa 70 Iskuul, welibana 145 fasal oo kale lagu biirin doono waxbarashada Puntland, barnaamijkaasi waxa uu gaar u yahay Puntland, wasaaradda waxbarashada Puntland-na waxay noqotay mid lagu faani karo, ayna ka shidaal qaataan waxbarashada kale e Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali. Ambassador Michele Cervone ayaa isaguna sheegay in Puntland ay ku guulaystey hirgelinta nidaam waxbarasho oo tayo leh kaas oo noqday mid Soomaaliya inteeda kale ay kaga dayan doonaan Puntland, midowga yurubna uu sii xoojinayo taageerada ay la garab taagan yihiin Puntland ee dhinaca waxbarashada ah.

waxqabadka-df-2

Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay waddada isku xirta SOOBE iyo Danwadaagta ee degmada Wadajir

Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ay wehliyaan Xilibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaliya iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa 15kii Feberaayo 2016 dhagax dhigay wadada isku xirta isgoysyada SOOBE iyo danwadaagta degmada Wadajir, taaso loo yaqaano Wadada buula-xuubey si loogu sameeyo dib u dhis casri ah. Wadada la dhagax dhigay ayaa ah wada ay ka muuqtao bur bur xoogan isla markaana ay maristeeda dhibaato ku qabaan gaadiidka iyo dadweynaha, xiliyada roobkuna ay biya fadhiistan. Maamulka degmada Wadajir iyo bulshada ayaa waxaa u suurta gashay in qarashad ay iska soo aruurriyeen si degmada loogu dhiso oo laami lasaaro wadada Buula-Xubey.

Wadooyinka degmada Kaxda oo la dayactirayo

Maamulka Degmada kaxda ee gobolka Banaadir oo kaashanaya Qaybaha Bulshada kana Jawaabaya baahiyaha ay qabaan Bulshada Kaxda waxaa uu 17kii Feberaayo 2016 dib u-dayactir ka bilaabay qayba ka mid ah wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Degmadaasi. Munaasabad Lagu Daahfurayay Qorshaha Dib Udayactirka Wadooyinkaas ayaa waxaa Goob Joog ka ahaa ururada haweenka Degmada Odayaal Iyo waxgarad. Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir C/ladiif Xasan Badawi oo ka hadlay mashruuca dib u dayactirka wadooyinkaasi iyo Furida Wadooyin Cusub oo ay isticmaalaan Dadweynaha ayaa xusay in ay masuuliyad gaar ah iska saarayaan daboolida adeegyada ay u baahanyihiin bulshada. Waxaa uu ku baaqay In qaybaha bulshada ay gacan ku siiyaan Maamulka gudashada waajibaadkooda si loo horumariyo hawlaha Degmada.

Madaxweynaha Koofur-Galbeed oo xariga ka jaray waddo laami ah

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa 13kii Feberaayo 2016 xariga ka jaray waddo Laami ah ee magaalada Baydhabo, taasi oo lagu sameeyay dib u dayactir. Munaasabad kooban oo xariga looga jarayay waddadan laamiga ah oo isku xirta buundaha Isha baydhabo iyo xabsiga dhexe, dhirirkeeduna yahay 300 mitir oo dhistay hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiiro iyo maamulka gobolka Bay. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo xariga ka jaray wadada laamiga ah ee dib u dhiska lagu sameeyay ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay hay’adda ILO dib u dhiska waddada, waxaana uu maamulka gobolka iyo kan degmada ku booriyay inay xoojiyaan xarumaha dib u dhiska lagu sameynayo.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment