3297 Views

Ahlu- saunna oo Axmed Cabdisalaam u diiday in tago Guriceel iyo Dhuusa Mareeb

Ahlu- saunna oo Axmed Cabdisalaam u diiday in tago Guriceel iyo Dhuusa Mareeb
____________________________________________________________________________

 Muqdisho,21 February 2016: Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ee Gobolada Dhexe ayaa maanta u diiday in deegaanadooda uu yimaado wafdi uu hogaaminayay Siyaasiga Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo maanta lagu wado inay booqasho ku tagaan degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb.

Sida wararka ay sheegayaan wafdiga uu hogaaminayay Axmed Cabdisalaan oo ay qeyb ka ahaayeen Odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolada Dhexe, ayaa maanta ka duuli rabay garoonka diyaaradaha Muqdisho, balse Ahlusuna ay ka hor-timid inuu ka soo dego Guriceel iyo Dhuusa Mareeb midkood.

waxaa kale oo la sheegayaa in Ahlusuna ay ciidamo fara badan geysay Garoonmada diyaaradaha Dhuusa Mareeb iyo Guriceel, si ay is hor-staag ugu sameeyaan, hadii ay ka soo degaan meelaha an kor ku xusnay.

Dad u dhow Wafdiga Axmed Cabdisalaan Aadan uu hogaaminayay ayaa sheegay in socdaalkooda aanu aheyn mid siyaasadeedn, balse ay u socdaan kaliya indha-indheynta deegaanada ay u dhasheen si ay wax badan uga ogaadaan.

Axmed Cabdisalaan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta aadka ugu dhowaa Culumaa’udiinka Ahlusuna, waxaana uu horay uga qeyb qaatay dadaalo nabadeed oo laga dhex waday Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna ee ku dagaalamay Guriceel iyo Dhuusa Mareeb, mar hada muddo laga joogo.

Lama oga illaa iyo hada sababaha rasmiga ah ee Ahlusuna ugu diiday in deegaanadooda yimaadaan, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya inay u tagi rabeen deegaanadaas arrimo wada tashi oo ku aadan siyaasadda iminka socoto.

Maamulka Ahlusuna ayaa ka soo hor-jeeda Maamulka Galmudug ee lagu dhisay Cadaado, waxaana uu horay ugu gacan seyray wada hadalo dhex mara iyaga iyo Galmudug, welina halkoodi ayeey ka taaganyihiin.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment