3744 Views

Jabuuti oo Joojisay Duulimaadyadi Kaga imaanjiray Muqdisho

Jabuuti oo Joojisay Duulimaadyadi Kaga imaanjiray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho,21 February 2016: Bayaan kasoo baxay dowladda dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba ay joojisay duulimaadyadii kaga imaan jiray Magaalada Muqdisho sababa la xiriira dhanka ammaanka iyo cabsi ku soo korortay

Laga billaabo markii la isku qarxiyay diyaaradii Daalo ayaa waxaa soo baxaayay cabsi xoogan oo laga qaba duulimaadyada magaalada Muqdisho ka yimaada maadaama garoonka Aden Cadde ammaankiisa la isku haleyn karin loona baahanyahay in laga digtoonaado.

Dowlada Somalia marnaba ma aysan fileyn in go’aankan ay qaadaneyso Dowlada Jabuuti waxana xayiraadas raad ku yeelan-doontaa dadkii kasoo bixi jiray Jabuuti oo  imaan jiray Muqdisho iyo kuwa laga qaadi jiray Muqdisho.

Sida la sheegay, bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti, ayaa waxaa lagu sheegay, laga bilaabo maanta inay Jabuuti joojisay duulimaadyadii kaga imaanaayay Magaalada Muqdisho, illaa waqti aan la cayimin.

Bayaanka, ayaa waxaa lagu sheegay in Jabuuti ay ka feejigan tahay weeraro argagaxiso oo xagjiriinta ay ka gaystaan gudaha dalkeeda, sidaasi daraadeedna ay u hakisay duulimaadyadii ka imaanaayay Muqdisho si ay uga dignaato dhibaata kaga timaad dhanka Soomaaliya.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment