12207 Views

MUQDISHO WEEY DULMANTAHAY IYADUNA ISMA OGA CIDINA UMA OGA!

MUQDISHO WEEY DULMANTAHAY IYADUNA ISMA OGA CIDINA UMA OGA!
____________________________________________________________________________

Maxaa xuubka caarada na badey xaqana noo diidey

Ma xooleynu nahay maa dulmiga laga xajiimoodo

Xaqiyo baadil kee baa xurmo leh waa xujiyo yaabe

(Abshir-Bacadle)

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Fadlan lasoco meelaha ka midabka duwan qoraalka waa Link-yo (Hyperlinks) qoraalka kulifaaqan, kuwaasoo lagusoo ururiyey baaritaanka (Research-ka) qoraalka lagu sameeyey, macluumaad dheeri ahna kusii siinaya, sida qoraallo muhiim u ah qormadan.

Aqristoow; xilligii Dastuur-kusheegan/Dal-Tuurkan lasameeynayey, ayaa waxaa qolooyin kala duwan, oo isugu jiray hey’ado caalami ah, dowladaha dariska, iyo kuwa ciidamada eey kajoogaan, iyo waliba ugu dambeyn hal maamul-beeleed, oo ay nasiibdarro! Horboodayeen madax katirsan DFKG aheyd, ayaa kawada shaqeeyey in eey waxa eey rabaan midkastaahiba ku darsado. Nasiibdarro! Xilligaa waxaa Madaxweyne dalka ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo sanadkiisii ugu dambeeyey saaxiibadii markii laga wada eryey iska seexday, oo khuuradiisa min Villa-Soomaaliya illaa Garowe laga maqlayey, halka Ra’isulwasaarena uu uahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo xaqiiqdii ah qabyaaladiiste gaamuray, dagaal xoogan oo dhanka siyaasada ahna kula jira reer Muqdisho/beelweynta (H). Nasiibdarro! Ninkan hadafka qabyaaladeed ee uu dalkan kaleeyahay halistiisa ayuu leeyahay, hogaankii hor istaagi lahaana wali ma aanu soobixin, wuxuuna wadamada dariska wakiil uga yahay, sidii aan dib dambe looheli laheyn Soomaaliya oo leh dowlad dhexoo awood leh, oo dalkoo dhanna uwada talisa, soona celisa sharaftii iyo karaamadii ummadeena, isago taa uarka in eey muhiim utahay siijritaanka iyo saameynta siyaasadeed ee maamul-beeleedka Puntland.

muqdisho-dulman-1

Maadaama Cabdiweli Gaas uu ahaa ninka Dastuur-kusheegan/Dal-Tuurkan waday, wuxuu latashaday ina adeeradii sida: Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirkii Dastuurka iyo Dib-uheshiisiinta xukuumadda KMG aheyd ee Soomaaliya, iyo Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo markaa ahaa horjoogaha maamul-beeleedka Puntland, Oo qabyaaladiisa uu xitaa Cable-kii Wikileaks faafisey, uu Safiirka Mareyka ee Nairobi inta la yaabay kusheegey, in eey ninkan uga dhagtey 1991-kii, heerka fikirkiisa siyaasadeed ee qabyaalada kudhisanna uusanna xilligaaba soo dhaafin. Waxeey isla garteen in wadamada dariska, beesha caalamka, iyo hey’adaha caalamiga ahba loo kala ogolaado, in waxa eey rabaan loogu daro Dal-Tuurka, si eey ufududaato in Isbaheysi-Beeleedkana waxa uu rabo loogu daro. Waana sida dhacday, oo qolokastaba wixii eey rabtey baa loogu daray.

muqdisho-dulman-2

Qolooyinka Beesha Caalamka, iyo hey’adaha caalamiga sheegtaba waxeey doorbidayeen in dhanka Diinta eey inaga weeraraan, iyagoo maanka kuhaya, Soomaalida eey Gaaleeysiiyeen, oo eey urabaan in eey waxweyn uga badalaan dalkan 100% Muslimka ah, iyagoo Dastuur-kusheegan/Dal-Tuurkan kudarsanaya in Diinta dalka waxeey rabto noqonkarto, in Madaxweynuhu nin iyo naag, Gaal iyo Muslim tuurabo noqonHYPERLINK “http://somalitalk.com/2010/08/26/dastuur/”karo, sidii ku qorneydba qodobka 95-aad, oo ku saabsanaa shuruudaha qofka Madaxweyne unoqonaya Soomaaliya. Waxeey uqoreen sidan: “Waxaa loo dooran karaa xilka Madaxweynaha muwaadinkasta oo Soomaaliyeed, oo ay da’diisu gaareyso 40-sano, lehna sumacad sare, waayo aragnimo iyo heer aqoon oo kuhaboon hogaaminta xushmada qaranka”. Ogoow hade Dastuurkii Soomaaliya ee 1960-kii laguna sameeyey Muqdisho, qodobkiisa 71-aad wuxuu dhigayey sidan: “Muwaadin kasta oo Muslim ah, Aabihii iyo Hooyadiina ay labaduba yihiin muwaadiniin asal ah, oo xaq uleh in uu cod dhiibto/bixiyo, da’diisa aysan kayareyn afartan iyo shan jir, waxuu mudnaan uyeelanayaa in uu noqdo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda…”. Dastuurkii DKMG ee 2000-ka lagu soo sameeyey Jabuuti, qodobkiisa 23-aad isna wuxuu dhigayey sidan: Waa inuu yahay Muslim ku dhaqma diinta, labadiisa waalid yihiin Somali dhalad ah…””, Midkanse weey kasaareen! Waxbadan oo dhanka diinta ah baa kabuuxay. Fadlan lifaaqa kore uga dharag, balse isweeydii sababta kooxdii waday eey uga ogolaadeen Gaalada qashinkaa eey la gulfinayeen?

muqdisho-dulman-3

Wadamada dariska iyagu waxeey si gaar ah udoorbidayeen dhanka xuduudaha, sida eey ku darsadeenba qodobka 7-aad ee quseeya (Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya), farqaddiisa 3-aad oo dhigayey: “Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga kadhasha, in xallintooda loomaro tub nabadeed, iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka udegsan, iyo kuwa caalamiga ah”. Waxeey sidoo kale daneeynayeen in Soomaaliya loo qeeybiyo maamul-beeleedyo yaryar “Balkanization of Somalia” oo Madaxweyneyaal-kusheegyo loowada sameeyo, xuduudo-beenaadna isku wada heeysta, midkasta uu udhaqmo in uu dalka isaga kataliyo, si loowaayo Soomaaliya oo mideeystan, awood xooganna leh, taasoo iska celinkarta, amaba halis kunoqonkarta dalalka dariska, iyadoo Federaal-kusheeg/Fadaro-Aal loogu soo gambanayo. Waxaana sidiisaba Federal-ka isticmaala caalamka 20+dowladood, dhamaantoodna dadka dowladahaasi kudhaqani waa kuwo kala Diin, kala dhaqan, kala Isir, iyo kalana luqadba ah. Caalamka kama jirto dowlad sideena iyo dalka Japan oo kale ah, oo isku Isir, Diin, dhaqan, iyo luqadba ah, haddana, Federalism/Fadaro-Aal ayaan kudhaqmeeynaa leh, ama ogolaadeyba markii qoorta loo surey intaba. Waxeeyse aheyd qandaraas foolxumo badan, oo xilligii Mbegathi Itoobiya ay Col. C/llahi Yusuf usoodhiibtey, iyadoo uga gadatey in ay Madaxweyne-nimadii uu 30+sano raadinayey kadhigeeyso, hadii uu fulinayo qorshahan dalkiisa iyo dadkiisa lagu kala googooynayo. Nasiibdarro! Hadadanbaa kuwo kufaanaan in eey Hooyo uyihiin Fadaro-Aalka, waloow aaneey kudareyn xaqiiqda ah in odeygii kadhaleyna yahay Itoobiya!

Dhanka kale wadamada ciidamada eey Soomaaliya kajoogaan, oo eey kujiraan kuwa dariska, ayaa iyana xooga saarayey xaga Jinsiyada, dhalasho qaadashada, iyo cidda Soomaali ah, ama noqonkarta, iyadoo 5-sano lagusoo koobayba, iyo in eeytahay in ilmaha Ajaanibtuna eey dalka kudhashaan oo kaliya. Waa kuwa kudarsaday Dal-Tuurkan qodobka 29-aad, Lambarka 1-aad oo dhigayey: “Ubad kastaa markuu dhasho [kudhasho Soomaaliya] wuxuu xaq uleeyahay inuu helo magac suuban iyo jinsiyad.”, si ciidamada mudada joogay, iyo Oromada, Tigreega, iyo Xabashida dalka kusoo qulquleeysa, Waqooyiba ha ubadnaadeene, eey dhalasho uwada qaataan, illeeyn gabdho Soomaaliyeed ayey wada guursadeen, luqadii Soomaaliga, qabaa’illada, iyo waliba ku abtirsishadooda ayey wada barteen, waliba kan Koonfur joogana wuxuu bartey qabaa’ilka Waqooyi, kan Waqooyi joogana wuxuu bartey qabaa’illada Koonfureed, si aan loofahmin, iyo si dadka eey ugu wada milmaan, berina dalkan loogu gacangaliyo, inta taageero dhinac kasta ah lala garab istaago.

Nasiibwanaag! Wixii dhanka diinta khuseeyey waxaa ka qeeyliyey culumadii Soomaaliyeed oo BayaanHYPERLINK “http://somalitalk.com/2012/apr/bayaan.html” kasoo saaray. Dhanka Badda iyo Dhulka aqoonyanno baa ka hadlay, sida qodobo kaloo farabadanba talo soojeedin muhiim ah looga sameeyey. Nasiibdarro! Dhanka dalka lagu kala googoynayo waloow laga hadlay, hadana sidii larabay xooga looma saarin. Waxaase kasiidarnaa wixii Isbaheeysi-Beleedku kudarsaday, oo aanba reer Muqdishadii eey dureeysey, aaneeyba kubaraarugin, sidaa daraadeedna nasiibdarro! Aaneey waxbaba kaga qaban.

Waxyaabaha Isbaheeysi-Beeleedkaa uu kudarsaday Dastuur-Kusheegan/Dal-Tuurkan waxaa kamid ah in nasiibdarro! Gobolka Banaadir aanu maamullada dalka laga hirgalinayo midkoodna ku biirikarin, iskiina maamul gaar ah, oo kaligii taagan, oo maamullada kalena lasiman aanu noqonkarin. Nasiibdarro! Waxaa sidoo kale usii dheer in Aqalka Sare (The Senate) aanu waxba kuyeelankarin, taasoo micnaheedu yahay in qiyaastii dadka 3-Million kor udhaafaya, ee ku nool gobolka Banaadir aaneey laheyn wax xuquuq ah. Taasoo aheyd Bam-Siyaasadeed lagu xasuuqay dad 3-Milyan oo qof ah, Illaa aqoonyahanno Soomaaliyeed sida: Dr.Khaliif M Ducaale is weeydiiyaan in dadka kunool gobolka Banadir lagu tilmaamikaro in eey yihiin muwaadiniin darajada labaad ah/second class citizens. Ogoow hade waa gobolka kaliya ee culeyska dhaqaale lasaaray, ee canshuurta dadkiisa laga qaado, iyo dakhliga kasooxarooda dekkada iyo garoonka Muqdisho, laga bixiyo qarashkii lagu kala socodsiin lahaa dowlada loowada dhanyahay ee Soomaaliyeed, laguna masruufo/biilo dhamaan qeybaha kala duwan ee dowlada, iyo dhamaan noocyada kaladuwan ee ciidamada qalabka-sida, dabcan marka lagukabo waxa beesha caalamka laga helo.

Aqrisoow: Ulajeedada Isbaheeysi-beeleedkaa ay sidaa usameeynayeen, oo eey kuxisaabtamayeen ayaa waxeey aheyd, in gobolka Banaadir iyo magaalada Muqdisho uyihiin reer Muqdisho/Beesha (H) culeys weyn oo siyaasadeed, sidaa daraadeedna tahay in fursadan looga faa’ideeysto, oo inta goori-goortahay garbaha laga siirifo, si beri loo dhoho dastuurka maqabo, ama dastuurkaa lagu tuntey, ileyn gobolka Banaadir ookaliya ayaa ugu yaraan noqonaya 18-degmo, hadii deegaan wax lagu qeeybsado, cid aan reer Muqdisho/beel weynta (H) aheyna kama soogaleyso’e. Nasiibdarrada jirta ayaa waxeey tahay in arinta dadka reer Muqdisho intooda badan ka hoosbaxsan ayaa waxeey tahay, marka Cabdiweli Gaas maanta deegaan kudoodayo, ee sadbursi-beeleedka kuraadinayo, qeyb kamid ah qorshahaa ayaa ah, in 18-ka degmo ee gobolka Banaadir aaneey xisaabsiba laheyn, oo waxba aan lagasoo qaadeyn. Nasiibdarro! Sheekh Shariif oo gobolka Banaadir kasoojeeda, dalkana Madaxweyne ka ahaa, waxa bilaa xuquuqda laga dhigayana dadkiisa iyo deegaankiisa yihiin, waa la ogoleeysiiyey, iyadoo loogu marmarsiyoonayo in Muqdisho eey tahay Caasimad. Ogoowna hade Caasimad waxkale ma aha ee waa magaalo maqaam gaar ah leh, oo ah meesha dowlada dalkaa matashaahi eey kushaqeeyso (Seat of government), oo xafiisyadeeduna kuyaallaan, iyadoo sharci uu qeexayo xiriirka kadhexeeya iyada iyo dalka intiisa kale, balse sida caalamkaba kawada jirta, haba yaraatee wax diidayaa majiraan in eey Caasimada noqoto maamul gaar ah (Capital and State), iyo in eey lahaato madaxbanaani awood siyaasadeed oo dhanka dowlada dhexe. Tusaalaha eey kudhaganaayeen dadkii shirqoolayey Caasimada, ee lahaa xuquuqdeeda duudsiiya, wuxuu ahaa Washingtin D.C. oo aan kamid aheyn State-yada Mareeykanka, Laakiin waxaa kabadan magaalooyinka kalee ah Caasimado iyo States-ba. Meelkalaba ha aadin, Itoobiyadan qorshahan Fadaro-Aalka wadata, caasimadeeda Addis Ababa waa caasimada, waana State. Caasimada Jarmalka (Berlin of Germany) Iyana waa caasimada waana State. Australia, Malaysia…..IWM. Balse sidaan horey usoo sheegneyba Sh.Sariif hurdo aad uqoto dheer (Nowmul Cariis) ayuu kujiray, illaa sifiican Garowe looga maqlay, sidaa daraadeedna loogu dulsocday! Waxaa Xaq aheyd iska daa in Muqdisho xaqeeda weeyso’e, in sida caasimadaha kalee State-kana ah, in Iyana eey noqoto State gaar ah, xaqeedana leh. Waxeeyse ubaahneyd siyaasiyiin garasho fog, dareensanna in eey tahay deegaanka ay kasoo jeedaan (Their political constituency). Nasiibdarro! Madaxweyne Xasan Sheekh baaba kasii daray, oo iska daa in uu xaq duudsiintaa yeelay’e, wuxuuba Puntland iyo Somaliland kumaslaxeeyey saami dheeri ah/Sad-bursi, oo aaney wax xaq ah ulaheyn, bal si uu u ogoleeysiiyo nidaamka 4.5-ka, iyo rajada soonoqoshadiisa intaba.

GABAGABO IYO GUNAANAD

Aqristoow bal isweeydii’e miyaanu gobolka Banaadir kamid aheyn gobollada dalka? Dadka kunool gobolka Banaadirse miyaaneey laheyn xaq iyo xuquuq sida Soomaalida gobollada kalee dalka kunoolba uleeyihiin? Miyaaneey laheyn siyaasiyiin iyo waxgarad udooda xaqa eey dalkooda hooyo kuleeyihiin, ugalana simanyihiin gobollada kalee idil? Maxaa keenay in la ogolaado oo aan cidiba ka dhiidhinin in gobolka Banaadir xaqiisa laduudsiiyo, oo laxaqiro 3-da Million ee kunool dhamaan degmooyinka gobolka?

Nasiibdarro ragbaa ufikiray, cid lafahmikarta ulajeedadaa iskana dhicisa lama helin.Waxaanse rajeeynayaa in qormadan wacyi-gelinta ah, sabab unoqoto isbadal dulmi iyo xaqiraad diid ah, sidaana dadka reer Muqdisho xaqooda kuhelaan, oo dib ulasoo noqdaan. Wabillaahi Towfiiq.

“Run sheeg, waa ceeb sheeg!”

 

 

 

.

cabdiboqorQoraa: C / Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)

Maamule-kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin ka ahaa.

Al-Madinah International University Abdulkadirphd@hotmail.com

Minnesota, USA.

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment