5124 Views

C/weli Gas oo laga yaabo in uu Shirka Istanbul ka baaqdo

C/weli Gas oo laga yaabo in uu Shirka Istanbul ka baaqdo
____________________________________________________________________________

Muqdisho,22 February 2016: Warar an la hubin balse iska soo daba dhacaaya, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas uu ku sii jeedo magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka, balse lama garanayo sababta isku soo aadisay shirka Turkiya iyo safarkiisa uu ku tegayo Maraykanka.

Gaas oo hada ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo kulamadii uu la yeeshay Mas’uuliyiinta Itoobiya lagu arkay isagoo Calanka Puntland miiska u saaranyahay, una muuqday sidii dowlad madax banaan oo kale.

Dad xod ogaal ku ah Xafiiska Madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in aysan macquul aheyn xilligan in Madaxweyne C/wali Gaas uu ka qeyb galo shirka Istanbul ee looga hadlayo aayaha Soomaaliya iyo hanaanka doorashooyinka ee bisha Agosto dalka ka dhacaya.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay u qaadacay go’aankii bishii Janaayo laga soo saaray shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka dhacay ee lagu go’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhacaya, isagoo cadeeyay in Puntland aanay u cuntameyn nooca doorasho ee lagu soo xulayo Baarlamaanka soo socda nidaamka 4.5

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo Puntland ku cadeyneyso in aanay ka qeyb galeyn shirka Istanbul, ayaa hadana hadal heynta ugu badan ay tahay in Madaxweynaha Puntland uu ku wajahan yahay Washington, balse wan arki-doonaa halka ay cagta dhigto.

Shirka lagu qaban-doono Istanbul ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo hanaanka doorashooyinka sanadkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada, qeybaha bulshada iyo Madax ka socota Beesha Caalamka, iyadoo shirkaas lagu saxiixi doono go’aanadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga qaran ee weli la isku haysto.

Mar dhow ayay aheyd markii Wafdi ka socday Beesha Caalamka oo Garowe u tagay sidii Puntland ugu soo qancin lahaayeen hanaanka doorasho ee dalka ka dhacaya sanadkan 2016, waxaana kulamadaas ay noqdeen kuwo natiijo la’aan ku dhamaaday, in kastoo xod-xodashadi ay weli socoto.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment