3843 Views

Madaxweyne Xasan Shiikh Oo U Anbabaxay Dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Shiikh Oo U Anbabaxay Dalka Turkiga.
____________________________________________________________________________

Muqdisho,22 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Turkiga, halkaasi oo uu uga qeyb geli doono shir arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde  ku sii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida. Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in dalka Turkiga uu ka furmo shirka madasha wadatashiga Qaranka, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Madaxda ugu sareysa dalka, Madaxda maamul goboleedyada iyo wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya. Waxaa dalka Turkia ka socda shir looga hadlayo maalgeshiga Soomaaliya iyo doorka Turkiga ee ku aadan horumarka dalka, waxaana shirka ka qeyb galaya ganacsato Soomaali iyo turki isugu jirta, iyadoo inta uu socda diiradda lagu saari doono dhiiri gelinta maalgeshiga Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa si wada jir ah u furi-doono Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo dhigiisa dalka Turkiga Ahmet Davutoğlu.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment