3543 Views

Maxkamada sare oo sheegtay in dalka uusan ka jirin urur Iskaashato oo sharciyeysan

Maxkamada sare oo sheegtay in dalka uusan ka jirin urur Iskaashato oo sharciyeysan
____________________________________________________________________________

Muqdisho,22 February 2016: Maxkamadda sare ee Qaranka ayaa go’aan ka gaartay muran ku saabsan hogaanka ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed iyadoo Maxkamadu qirtay in dalka uusan ka jirin Urur Iskaashatooyin oo sharci ku dhisan.

Maxkamada sare ee dalka ayaa maanta xukmisay inuusan dalka ka jirin urur iskaashato Qaran kadib markii maxkamadda ay u fariistaay dacwad is qab qabsi ah u dhexeysay labo garab oo isku heystay Ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed, iyadoo Maxkamadda ay u sababeysay arrimo ay kamid tahay in Ururka la isku heystay uu yahay mid ku kooban Muqdisho, isla markaana aysan qeyb ka aheyn iskaashatooyinka Gobollada dalka intooda kale.

Mahdi Xuseen Maxamuud oo ah Kaaliyaha Maxkamda sare ee dalka, ayaa ugu horeyn aqriyay go’aanka ay maxkamdda soo saartay iyo sharciyada loo cuskaday.

Maxkamadda waxa xukuntay in ururkii jiray xiligii dowldda dhexe ee UDHIS uu la bur buray dowladdii dhexe ee dalka.

In wixii hanti uu ka tegay ururka ee ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed

In aan hadda jirin ururkaasi ama Urur Iskaashato oo heer Qaran oo dadka oo dhan ka dhexeeya, laamana ku leh degmooyinka iyo gobollada dalka.

In wixii urur ah ee ka jira Xamar uu yahay mid Xamar un ku kooban, ama gaar gaarka ah, sida kan gaadiidka, dhuxusha, beelayda

Iskaashato dal ama waxay noqon kartaa marka degmooyinka iyo gobollada dalka ay ka sameystaan urur iskaashato, isla markaana sameysta xeerar ay isku maamulayaan.

Labadan urur ee dacwadan isaga soo horjeeda, midkoodna ma buuxin sharuudihii ay uu ku noqon lahaa urur Iskaashato Qaran oo ay ku midoobeen iskaashatooyinka ka jira dalka.

Guddoomiyaha Maxkmada sare ee dalka Mudane Ceydiid Cabdullahi Ilka xanaf ayaa sheegay in haddii la sameynayo Ururka iskaashatooyinka Qaranka loo baahan yahay in la sameeyo sharci lagu dhisayo Ururkan,

“Urur Qaran oo UDHIS la yiraahdo oo dalka ka jira hadda ma jiro, dowladda way dhisi kartaa, balse waxaa ka horeysa in la helo sharcigii lagu dhaqi lahaa, haddii sharci cusub iyo nidaam cusub oo dowladeed la sameeyo waa la aas aasi karaa” ayuu yiri Abukaate Caydiid Ilka Xanaf.

Go’aanka Maxkamada sare ee dalka ayaa ah kii labaad oo ay ka gaarto muran dhinaca ururada ah oo ka jiray dalka. Dhowaan ayaa Maxkamad Sare waxa ay xukun ka gaartay Ururka Saxafiyiinta Qaranka oo hogaankiisa la isku haystay bilihii dambe.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment