9555 Views

Axmed Madoobe oo Beesha Mareexaan si la yaab leh ula hadlay

Axmed Madoobe oo Beesha Mareexaan si la yaab leh ula hadlay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23 February 2016: Magaalada Kismaayo waxaa ka socda shirka wada-tashi ah oo ay ka qayb-galayaan odayaasha iyo wax-garadka beesha Sade oo ka mid ah beelaha degga Jubbaland,waxaana qayb ka ah shirka dib u heshiisiin beesha dhex-deeda ah,sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Jen Fartaag.

Madaxweynaha Jubbaland,Axmed Madoobe oo shirkan Kismaayo ka furay maalintii Sabtida ee billowga toddobadkan,waxuu ku sheegay ujeedka shirka inuu yahay mid lugu doonayo beesha Sade waxay ka tabanayaan Jubbaland inay wada-jir uga tagashaan oo ay si isku mid ah usoo gudbiyaan.

Shirka xubnaha ka qayb-galaya,waxuu ku sheegay madaxweynaha inay ka yimaadeen cuqaasha iyo wax-garadka beesha oo aysan wax lug ah ku lahayn Jubbaland,isagoo uga baaqay ka qayb-galayaasha in laga doonayo xalka tabashada beesha.

Waxa la is waydiinaya maxay beesha Sade ka shirayaan,waxuu yahay shirkan mid laga doonayo beesha inay wada-jir uga tashadaan waxa ay ka tabanayaan Jubbaland,kaddibna wada-jir ay usoo gudbiyaan si loo xalliyo wax walba oo la tabanayo,”ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa kalo uu sheegay madaxweynaha Jubbaland inuu diyaar u yahay la xisaabtan ku aadan wax walba oo ay ka tabaneyso beesha Sade oo u ku sheegay inay udub dhexaadka u tahay maamulka uu hoggaamiyo ee Jubbaland.

Beesha Sade waa beel weyn oo gobollada Jubbaland deggan, muhiim bay u tahay laf-dhabar bay u tahay,inay sidii maynooratiga u dhaqanta lakin soo nasiib darro ma aha!! oo ay tirahdo sidan baa nala yeelaya,War Sadow sidan si ma aha isku imaada isla xisaabtama,annigana ila xisaabtama,Diyaar baan idin nahay inan miiska idin nimaano,”ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe waxuu sheegay inay doonayaan dadka Jubbaland inay wax ku qabsadaan midnimo iyo walaalnimo,si guul loo wadda gaaro,isagoo sheegay inuu mar walba ka shaqeyno isku keenida beesha Sade.

Waxaan ballan-qaaday inan mar walba ka shaqeeyo sidii ad isugu imaan lahaydeen oo idinko isku mid ah hadad rabtaan ad gaartan oo ad dhahdaan niyahow wax kale nama qanciyaan ee kursiga nooga tag,waa luuqad la yaqaan,”ayuu ku darey hadalkiisa.

Marka uu soo dhammado shirkan oo maal-mo kale soconaya,waxaa la filaya inuu ka soo baxay war-murtiyeed ku aadan heshiiska beesha Sade iyo waxyaabaha ay ka tabanayaan maamulka Jubbaland oo beesha ay wax ka dhistay.

Source:  Banadir News Network

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment