3990 Views

Madaxweynaha Turkiga oo goor dhow furay Shirka Istanbul

Madaxweynaha Turkiga oo goor dhow furay Shirka Istanbul
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23 February 2016: Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa mar dhow ka furay magaalada Istanbul shirka Madasha ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kaasoo looga hadlayo arrimaha amniga iyo siyaasada Soomaaliya ee mustaqbalka.

Madashaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Madax ka socota Maamul goboleedyada qaar, Xildhibaano iyo ergo ka socota 50 dal iyo Hey’ado caalami ah ee daneeynayo arimaha Soomaaliya.

Labada Madaxweyne kan Soomaaliya Soomaaliya iyo Madaxweynaha Turkiga ayaa si wada jir ah u shir guddoomin shirkan, iyadoo looga hadlayo horumaradii u dambeeyay ee ay sameysay Soomaaliya iyo tageerada ay u baahan tahay o dhan walba ah.

Shirka inta uu socdo waxyaabaha diiradda lagu saari- doono waxaa ka mid ah doorashooyinka sanadkan ka dhacaya Soomaaliya, kaasoo Baarlamaan cusub iyo Madaxweyne cusub lagu soo dooran doono.

Mudane Erdogan oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inya door muuqda ka ciyaaraan taageerida Soomaaliya.

Madashaan iyo shirkaan oo socon doona labo maalmood ayaa waxaa laga soo saaro doono go’aano la xiriira siyaasada, amniga iyo dhaqaalaha, iyadoo lagu ayidi doono go’aanka dowladda iyo Beesha Caalamka ku gaareen nooca doorasho ee dalka ka dhaca bisha Agosto ee sanadkan 2016.istanbul-8

istanbul-8

istanbul-6 (1)

istanbul-3

istanbul-4

istanbul-2istanbul-5

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment