3618 Views

Ra’iisul Wasaare Cumar,”Kenya Waan Kala Xisaabtamaynaa Wixii Ka dhacay Jomo Kenyatta”.

Ra’iisul Wasaare Cumar,”Kenya Waan Kala Xisaabtamaynaa Wixii Ka dhacay Jomo Kenyatta”.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23 February 2016: Cumar Cabdirashiid, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo kusugan dalka Turkiga ayaa sheegay inay dowlada Kenya kula xisaabtami doonaan xayiraadii ay isaga iyo wafdi uu hogaaminayey ay ku sameeyeen dhawaan .

R/wasaaraha oo waraysi siinayey Tvga Universal ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay in dowladda Soomaaliya iyadoo eegaysa tallaabada ugu haboon ee ay arrinkaasi ka qaadi kadho ay tallaabo ka qaadi doonto dowladda Kenya.

Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Shama’arke oo ay weheliyeen xildhibaano iyo xubno katirsan xukuumadda ayaa mudo saacado ah ku xidhnaayeen garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalaa Nairobi.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment