3321 Views

Shirki Arrimaha Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Istanbul

Shirki Arrimaha Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Istanbul
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23 February 2016: Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu shir uga furmo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo diiradda lagu saari doono Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan shirka si rasmi ah u furi doona, iyadoo ay isla shir guddoomin doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Jan Eliasson oo ah Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Ergo ka kala socota 50-dal iyo Hey’adaha iskaashiga la leh Soomaaliya ayaa iyana ka qeyb galaaya shirka maanta

Shirka waxa uu socon-doonaa laba maalmood waxaa qiimeyn iyo dib u eegis lagu sameyn doonaa horumarka laga sameeyay Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya (the Somali Compact), kaas oo markii ugu horeysey lagu ansixiyey magaalada Brussels bishii September sannadkii 2013. Barnaamijka Sahan Cusub ayaa waxaa ka abuurmey iskaashi ku saleysan isla xisaabtan, wadaagidda khatarta iyo mas’uuliyadaha ee dhinacyada Soomaaliya iyo beesha caalamka si loo hago horeyna loogu dhaqaajiyo ajendaha siyaasadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Waxaaa sannadkiii hore uu barnaamijkan ku tallaabsadey horumar la taaban karo, dhinacyada siyaasadda, amniga iyo agendaha horumarinta.

Madasha ee ay isku arkayaan Soomaaliya iyo waddamada ay iskaashiga leeyihiin ayaa la filayaa in lagu taageero go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2016-ka, inuuu ka doodo, khariiddad la isku wada raacsan yahay oo ku saabsan doorashada 2020-ka, dib u qaabeynta amniga, dardar-gelinta dadaalka dib u eegista iyo dib u qorista dastuurka federaalka, isla markaana wax laga qabto baahiyaha aasaaska u ah dhinaca horumarinta si loo xaqiijiyo mustaqbalka nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya haddii ay suurtagasho.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment