5325 Views

Shirka Istanbul ee Arrimaha Soomaaliya

Shirka Istanbul ee Arrimaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 24 February 2016: Shirki looga hadlaayay Arrimaha Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa ka koobnaa qeybo kala duwan, waxaana shirkan ka qeyb galay Madax Soomaaliyeed, Madax ka socotay Beesha Caalamka iyo wakiilo ka socday Hey’ado caalami ah kuwaas oo daneeynayo arrimaha Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo si rasmi ah shirka u furay ayaa balan qaaday inay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya, isagoo ka dhawaajiyay in mashaariic fara badan ka hirgeliyeen Soomaaliya, kuwa kalena ay soo wadaan oo weliba gaar ah.

Madashaan ayaa ka koobnaa qeybo kala duwan, sida qeybta Siyaasigada, qeybta Dhalinyarada, qeybta Ganacsiga iyo qeybta Haweenka, waxaana dhamaan shirarkaas si gaar ah looga hadlayay qeybaha uu shirka quseeyay, oo ay Mas’uuliyiinta Soomaalida ay kala matalayeen qeybahaas.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis dhinaca Tamarta, Ganacsiga iyo Dhaqaalaha, waxaana Turkiga ka hirgelin doonaa Soomaaliya mashruuc Tamarta wax lagu soo saari doono sida biyaha in laga dhaliyo Koronto iyo adeegyo kale oo fara badan.

istanbul (14)

istanbul-19

istanbul-18

istanbul-13

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment