4215 Views

Shirkii Istanbul oo la soo gaba gabeeyay iyo Soomaaliya oo fikradeeda lagu taageeray

Shirkii Istanbul oo la soo gaba gabeeyay iyo Soomaaliya oo fikradeeda lagu taageeray
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 24 February 2016: Mar dhow ayaa la soo gaba gabeeyay shirkii looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya ee loogu magac daray Diirad Saaridda Horumarka Soomaaliya, kaasoo shalay ka furmay magaalada Istanbul.

Madasha shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Maamul goboleedyada, Golaha Xukuumadda, qeybaha bulshada ergo ka socotay 50 dal iyo hey’ado caalami ah oo isku dhafan.

C/salaan Cumar Hadliya, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo goor dhow wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in shirka laga soo saaray go’aano dhowr ah, isago xusay in la isla gartay in Soomaaliya taageero caalami la siiyo, isla markaana dowladda ay sii wado taageerada ay siiso bulshada soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in la taageeray sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka sanadkan 2016, isla markaana Caalamka uu garwaaqsaday horumarka xoogan ee Soomaaliya sameysay, hadii ay ahaan laheyn la dagaalanka Argagixisada, isu keenida dadka Soomaalida, sameynta Maamul goboleedyada in kastoo Hiiraan iyo Sh/dhexe ay qabyo ku jirto.

“Waxaa aad loo taageeray go’aanka ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee bishii Janaayo ka dhacay sida kala guurka looga gudbi lahaa, Baarlamaan cusub iyo Madaxweyne cusub loo dooran lahaa, waxaa la isla gartay in aysan suurta gal aheyn doorasho qof iyo cod, xaalada uu dalka ku jiro, waxaa la taageeray talada ay keentay dowladda Dhexe oo ah in Aqalka hoose lagu dhiso nidaamka 4.5 oo Soomaalida oo dhan ka soo qeyb galaan iyo Aqalka sare lagu saleeyo qaab deegaan”ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Madasha Istanbul oo labo maalmood socday ayaa waxaa looga hadlay, arrimaha Amniga, siyaasada, dowlad wanaaga, Ganacsiga, dib u habeynta Dastuurka, arrimaha federaalka doorashada sanadkan 2016 qodobo kale, kuwaasoo gebi ahaanba shirarkii gaar gaarka ahaa ee looga hadlay laga soo saaray go’aano an weli na soo gaarin War Murtiyeedki.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment