3198 Views

Talyaaniga Oo Sheegay Inay Soomaaliya Garab ku Siinayaan Dhanka Bini’aadanimada Iyo Amaanka.

Talyaaniga Oo Sheegay Inay Soomaaliya Garab ku Siinayaan Dhanka Bini’aadanimada Iyo Amaanka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 24 February 2016: Dowlada Talyaaniga ayaa caddeysay in ay kordhin doonto taageerada ay siineyso dowlada Soomaaliya ee ku saleysan dhanka amaanka iyo nabad galyada dalka Soomaaliya oo aad logu baahanyaha waqtiga an hada ku jirno.

Wasiirka Arimaha Dibada Talyaaniga oo ku sugnaa shirka ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa muujiyay in dowladiisa ay garab taagan tahay Soomaalida, wuxuuna ku dhawaaqay taageero cusub oo dowlada Soomaaliya ay siinayaan. Paolo Gentiloni, wasiirka arimaha dibada Talyaaniga oo ka hadlay shirka Istanbul, ayaa sheegay in nabad galyada Soomaaliya ay ku imaaneyso in taageerada caalamka ay noqoto mid joogto ah. Gentiloni ayaa ku amaanay dowlada Soomaaliya dadaalada ay u gashay hergelinta nidaamka federaalka, wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay in la sii wado dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe. Sidoo kale wuxuu dowlada Soomaaliya ku amaanay dagaalka ay u gashay wadahalka kala dhaxeeya maamulka Somaliland, isaga oo ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadalkaasi. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, ayna ka qeyb qaadan doonaan dhismaha iyo qalabeynta ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment