3786 Views

Wasaaradda shaqada oo digniin u dirtay dad ku qaraabanaya shaqaale geeynta Sacuudiga

Wasaaradda shaqada oo digniin u dirtay dad ku qaraabanaya shaqaale geeynta Sacuudiga
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 24 February 2016: Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa wax kama jiraan ku tilmaamtay lacagaha sida qaldan looga qaadayo shacabka, iyadoo loo sheegayo in loo qaadaayo Dalka Sacuudiga, isla markaana digniin u dirtay Dadka hawlahaas ku lug leh ee dadka lacagta ka aruursanaya.

 Cusmaan Libaax Ibraahim, oo ah Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshadadan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shaqaalaha loo qaadi doono Dalka Sacuudiga ay Wasaaradda Shaqada mas’uul ka tahay, isla markaana ay jiraan shaqsiyaad si qaldadka wax uga qaata.

“Wararka been abuurka ah ee ka socda guud ahaan dalka, taasi oo ah in si qaldan loo fasiray shaqaale loo qaadayo dalka Sacuudiga, balanqaadka Madaxweynaha ayaa ku jirtay in dadka shaqo abuur loo sameynayo, Wasaaradda shaqada ayaa dowladaha khaliijka arrintaasai kala hadashay, taasi oo fursad u siineysa in shaqaale badan loo qaado dalka boqortooyada oo qeyb ka ah shaqo abuur” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka shaqada.

Wasiir-ku xigeena Wasaaradda shaqada ayaa uga digay dadka marin habaabinta ka dhex-wada shacabka, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay arrinkan uga dambeeyaan Dawladda kana foojgnaadaan kuwa tuugaysanayo.

“Dadka la qaadayo waxa ay isugu jiraa rag iyo dumar oo buuxiya sharuuha u degsan wasaaradda, maamul goboleedyada, iyo maamulka gobolka ayaa loo qeybinayaa shaqaalaha Sacuudiga loo qaadayo, waxaana ciddii buuxisa sharuudahan ay xaq u yeelan doonto in loo qaado dalka Booqrtooyada Sacuudiga” ayuu hadalkiisa ku daray Cismaan Libaax.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment