3276 Views

Dad loo heysto dilkii Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo Maxkamadda la hor keenayo.

Dad loo heysto dilkii Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo Maxkamadda la hor keenayo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 25 February 2016: Dad gaarayo lix ruux oo loo heysto dilka Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo 3-dii bishii December ee sanadkii hore lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in Maxkamad la soo taago, si loo bilaabo dhageysiga dacwada loo heysto si go’an looga gaaro.

Dadkaan dambi loo haysto ayaa lagu soo qabtay howl gallo ciidamada Nabadsugida ka sameeyeen magaalada Muqdisho, waxaana Maxkamadda dadkaas la soo taagayo ay tahay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Qaar ka mid ah dadkii lala xiriirinayay inay dilkaas ka dambeeyeen ayaa ka soo muuqday Barnaamij muuqaal ahaa oo bishii la soo dhaafay laga sii daayay Telefishinka Qaranka ee SNTV, waxaana ay qiranayeen qaabkii ay u maleegeen dilka gabadhaas Wariyada aheyd loo geeysatay

Hey’addaha Ammaanka dowladda ayaa horay u sheegay inay soo qabteen Maxkamadii ka dambeysay dilkaas, isla markaana ragga qaar ay qirteen abaabulka dilkaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Maxkamadda maanta dhageysan doonto cadeymo iyo qiraal laga soo diyaariyay ragga la eedeynayo, waxaana laga yaabaa in xukunkooda ay riddo.

Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd Telefishinka Qaranka ayaa ku geeriyootay qarax loogu xiray gaarigeeda, waxaana la qarxiyay xilli ay ka soo baxday Jaamacad ka mid ah kuwa ku yaalla magaalada Muqdisho, sanadkii 2012 ayaa sidoo kale la dilay seygeeda Liibaan Cali Nuur oo ka tirsanaa Warbaahinta dowladda Soomaaliya.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment