3543 Views

Garoonka Aden Cadde oo wax badan laga badalay

Garoonka Aden Cadde oo wax badan laga badalay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 25 February 2016: Waxa shalay si rasmi ah uga howl bilaawday diyaarada Daalo tan iyo markii la qarxiyay diyaaradaasi iyada oo hawada ku jirtay.

Jeneral Cabdullahi Gaafoow Maxamud, ayaa sheegay in garoonka wax badan laga badalay isla markaana dadkii badnaa ee garoonka soo gali jiraylaga celiyay, haddana ay ammaanka sugayaan in kastoo uu ka cudur dartay in ay dhib badantahay in ad iska ilaalisid qof kula shaqeeyo oo mar kasta ku ag taagan

Maamulka Sare ee shirkada Daalo ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweenayaan dib u bilaabida shaqadooda waxa ayna ballan qaadeen in duulimaadyo dhowr ah ay soo celin doonaa hadii Allah yiraahdo.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment