5886 Views

CAYAARYAHAN CUMAR MAXAMED oo noqday Somaligii ugu horeeyay oo Seria A USA u saxiixa

CAYAARYAHAN CUMAR MAXAMED oo noqday Somaligii ugu horeeyay oo Seria A USA u saxiixa
____________________________________________________________________________

Columbus, Ohio | QOL | February 26, 2016 – Cayaaryahanka da’da yar ee CUMAR ABDULLAHI MAXAMED ayaa noqday laaciibka ugu horeeyay oo Soomaali ah ee u saxiixa kooxda heerka koowaad ee horyaalka wadanka Mareykanka oo loo yaqaan USL “UNITED SOCCER LEAGUE”, Cumar ayaa heshiis aad u dheer la saxiixday kooxda FC CINCINNATI oo ka dhisan gobolka OHIO oo ku yaala bartamaha wadakna Mareykanka, horyaalkan oo ay ka cayaaraan 29 koox oo loo  kala saary GALBEED iyo BARI, waxay ka kala yimaadeen wadanka MAREYKANKA iyo CANADA.

Cumar Abdullahi Mohamed oo 19 jir ah isla markaana ka cayaara dhanka bidix ee MIDFIELDER ayaa mar dhow lagu arki doonaa garoomada wadanka USA iyo CANADA ee AMERICAN MAJOR FOOTBALL LEAGUE,naadiga uu u cayaaro ee FC CINCINATI waxaa la aas’aasay 2015 waxaa lagu wadaa in uu noqdo kan ugu adag ee qeyb libaax leh ka qaadan doona cayaaraha xiisaha badan ee NORTH AMERIKA.
CUMAR oo haysta dhalasho mareykan ah ayaa aad ugu han wayn in uu u cayaaro isla markaana gacan siiyo qaranka Somaliya,isagoo ku balan qaaday in xulka Somaliya keliya uu funaanadooda gashan doono mustaqbalka.Cumar oo hore ugu soo cayaaray Jackson College wuxuu noqday cayaaryahankii ugu da’da yaraa ee u saxiixa kooxda CINACINATI, isagoo lagu wado in uu noqon doono cayaaryahanada ugu firfircoon kooxda FC CINCINATI.
Waxaan leenahay HAMBALYO CUMAR iyo qoyskiisa,waxaana hubaal ah in magaca iyo sharafta Somaliya uu kor ugu qaadi doono.
cumaraani-FC-cincinati-7 cumaraani-FC-cincinati-2 cumaraani-FC-cincinati-3 cumaraani-FC-cincinati-5 cumaraani-FC-cincinati-1 cumaraani-FC-cincinati-4
.
.
_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment