4689 Views

DEG DEG: Qaraxyo Xoogan oo ka dhacay Irida Hore ee Hotelka SYL

DEG DEG: Qaraxyo Xoogan oo ka dhacay Irida Hore ee Hotelka SYL
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 26 February 2016: Qarax xoog leh oo loo Adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay Illinka hore ee Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho,waxaana Qaraxa ka dib Xigay Koox Hubeysan oo Weerar ku soo qaaday Hotelka, si ay gudaha u galaan.

Wararka an heleeyno ayaa sheegaya in Ilaalada Hotelka SYL ay iska difaaceen  Kooxda Hubeysan oo dooneeysay in ay Gudaha Hotelka u galaan.

Sidoo kale Qarax Gaari loo Adeegsaday ayaa asna ka dhacay Agagaarka Beerta Nabadda oo Hotelka SYL ku dhagan kana Xigta dhanka Koofurta.

Weli lama oga  khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Qaraxyada iyo Weerarka la doonayay in Hotelka lagu qabsado.

Wixi war ee nagu soo kordha, halkaan ayad ka heli-doontaan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment