3753 Views

Guddomiyaha Gobolka Banadir oo la kulmay Safiirka Mareykanka

Guddomiyaha Gobolka Banadir oo la kulmay Safiirka Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 26 February 2016: Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ,ayaa magaalada Istanbul  kulan kula qaatay Safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Is araga labada mas’uul, ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, ammaanka caasimadda, maareynta dhaqaalaha caasimadda, doorashooyinka golaha deegaanka Muqdisho, arrimaha maqaamka caasimadda iyo qodabada dastuurka dalka ee ka hadlaya Gobolka banaadir oo wax laga badalay.

Gudoomiyaha ayaa ka codsaday safiirka dowladda Mareykanka in ay ka taageeraan sidii maamulkiisa uu doorashooyinka golaha deegaanka ugu suura galin lahaa magaalada Muqdisho, arrintaas oo uu safiirku ballanqaaday in ay gacan ka geysan doonaan wixi suurta gal ahna ay sameeyn-doonaan.

Tan kale mudane Yuusuf Xusen ayaa u sheegay safiirka in dadka reer Muqdisho ay dibad-baxyo nabadeed ku muujiyeen sida ay u doonayaan in la qeexo doorka Gobolka banaadir ee awood qaybsiga maamulka dalka Soomaaliya

Safiirka waxa uu sheegay in xagaaga soo socda wafdi uu hogaaminayo ay imaan doonaan magaalada Muqdisho si ay qiimeyn ugu sameeyaan baahiyaha ay qabaan maamulka iyo Bulshada Gobolka Banaadir, waxaana uu qeexay in ay doonayaan in magaalada Muqdisho ay noqoto magaalo matasha siyaasadda Soomaaliya oo dhan marti galisana diblumaasiyiinta caalamka ee ka howlgalaya Wadanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa dhinaca kale waxaa qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay hay’adda USAID kuwaas oo tilmaamay dhankooda in ay ka qayb qaadan doonaan dhismaha iyo bilic soo celinta magaalada Muqdisho.

Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo ku sugan dalka Turkiga ayaa maalmahaanba waday kulamo kala duwan oo uu la qaadanayay mas’uuliyiintii ka qayb galay shirkii arrimaha Soomaaliya ee ka dhacay dalkaasi Turkiga, kuwaas oo uu kala hadlayay horumarinta magaalada Muqdisho oo ah caasimada Soomaaliya.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment