3168 Views

Xubnaha Xiriirka FIFA oo maanta dooranaya Qofki bedeli lahaa Sepp Blatter

Xubnaha Xiriirka FIFA oo maanta dooranaya Qofki bedeli lahaa Sepp Blatter
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 26 February 2016: Xubnaha xiriirka Calamka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa maanta oo jimco ah dooranaya Madaxweyne cusub, kaasoo bedeli doona Madaxweynihii hore ee shaqada laga joojiyay Sepp Blatter, kaas oo fadeexo musuq maasuq ah lagu helay.

Ergo gaareeysa 207xubnood oo ka socota xiriirada kala duwan ee dunida, ayaa maanta ku shiraya magaalada Zurich ee dalka Switzerland, si ay mid una soo doortaan doortaan shanta musharax ee u tartamaya jagada Madaxtinimada FIFA.

Sepp Blatter ayaa xilka hayay tan iyo sanadkii 1998, waxaana dib loo doortay sanadkii hore, hase ahaatee wax yar kadib markii la doortay ayuu is casilay, kadib markii FIFA ay hareysay qalalaaso xaga musuq maasuqa ah.

Shanta Musharax ee u taagan qabashada xilka ayaa kala ah Sheikh Salman bin Ebrahim al-Khalifa, Gianni Infantino, Boqor Ali bin al-Hussein, Tokyo Sexwale iyo Jerome Champagne.

Doorashada ayaa laga yaabaa inay qaadato dhowr wareeg, maadaama ay musharaxiinta ay badan yihiin.
Sepp Blatter iyo Michel Blattini oo ahaa Madaxa xiriirka Yurub ayaa labadaba laga mamnuucay ciyaaraha inay ka qeyb qaataan, waxaana meesha ay ka saartay in Blattini isu soo sharaxo xilka Madaxweynaha FIFA.

Musharaxa ugu cad ah ayaa ah Sheikh Salman bin Ebrahim al-Khalifa oo ah Madaxa xiriirka kubadda Cagta Baxreyn waa 50 jir.

Sidoo kale Musharaxa labaad ee ka soo jeeda dal Carbeed ayaa ah Boqor Ali Bin Al-Xuseen, kaasoo da’diisu tahay 40-jir, waa Madaxweynaha Xiriirka Kubada Cagta Jordan

Jerome Champagne oo 57 jir ah u dhashay Faransiiska ayaa ka mid ahaa Guddiga fulinta FIFA.

Xoghayaha Guud ee Xiriirka Yurub ee UEFA Gianni Infantino oo 45 jir u dhashay Switzerland ayaa ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha FIFA

Tokyo Sexwale ayaa ah ninka ugu da’da weyn Musharaxiinta waa 62 jir, waana musharaxa kaliya ee ka socda Afrika, waxaa uu horay Wasiir ka soo noqday dowladda Koofur Afrika.

Si kastaba ha ahaatee doorashada ayaa si aad ah isha loogu hayaa, iyadoo wali Xiriirka kubadda Cagta Adduunka ay ku socoto baaritaanada ku aadan musuq maasuqa hareeyay xiriirka FIFA sannadihi dambeeyay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment