4368 Views

Dowladda Federalka ah iyo Waxqabadkeedii Asbuucii Dhammaaday.

Dowladda Federalka ah iyo Waxqabadkeedii Asbuucii Dhammaaday.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27 February 2016: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, Danbiilihii dilay Wariye Hindiya oo Dil toogasho lagu xukumay, Ciidanka oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe, Wasaaradda Caafimaadka oo Agab kala duwan u qeybisay Isbitaalada Muqdisho, Ciidanka Dowladda oo Howlgallo ka sameeyey Muqdisho, Ciidamada oo kaashanaya Shacabka oo Caad & Ceel-Cabdi ku dilay 22 Al-Shabaab ah, Saldhiga Booliiska Xamar-Jabjab oo dib loo dhisayo, Baydhabo oo Mashaariicda Xalka Waara lagu daahfuray, Golayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku shiray Muqdisho, Ciidamada oo Howlgalo amniga lagu sugayo ka sameeyey Dharkinley, Arlaadi Aid oo qalab caafimaad soo gaarsiisay Isbitaalka Baydhabo, Dawladda Soomaaliya oo soo bandhigtay qorshaha daahfurnaanta maaliyada iyo Shirka Istanbul oo Dowladda waxqabadkeeda lagu ammaanay lana taageeray qorshaha 2016.

Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa 25kii Feberaayo 2016 yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, iyadoo kulankan Warbixino looga dhageystay Wasaaraddo kala duwan, isla markaana lagu ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed. Ugu danbeyntii, Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed oo uu soo gudbiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sidaas ayaana lagu dhaqan galin doonaa Siyaasaddan cusub. Danbiilihii dilay Wariye Hindiya oo Dil toogasho lagu xukumay Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa 25kii Feberaayo 2016 u fadhiisatay dhageysiga dacwad loo heystay eedeysaniyaasha kala ah; C/risaaq Maxamed Barrow Caddow, Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamed Abuukar Cali, Maxamed Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere, Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni oo xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidanka qlabka sida uu ku soo eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilkii Allaha u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed Kheyre ayaa lagu riday xukuno kala duwa. Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in C/risaaq Maxamed Barrow Caddow ay maxkamadu ku riday xukun dil toogasho ah maadaama uu ahaa ninkii walxaha qarxa gaariga ugu xirey marxuumad Hindiyo Xaaji. Maxkamadda ayaa xukun xabsi daa’im ah ku riday eedeysanayaasha kala ah; Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamed Abuukar Cali iyo Macalim Maxamed Sheekh Yuusuf. Maxkamadda ayaa eedeysanayaasha Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni, waxaa ay ku xukuntay shan sano oo xabsi ciidan ah, maadaama ay la shaqeyn jireen kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab. Ciidanka oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe Cutubyo ka tirsan Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM ayaa 24kii Feberaayo 2016 si buuxda ula wareegay deegaannada la isku yiraa Shanta tuulo oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe. Ciidamada ayaa si nabadgelyo ah kula wareegay deegaanka Ceel-Baraf oo ah deegaan istiraatiiji ah waxaana uu illaa 26KM u jiraa degmada Jalalaqsi, halka degmada Mahadaay oo uu hoos-tago u jiro illaa 40-km. Deegaannada kale oo ay ciidamadu la wareegeen waxaa ka mid ah tuulooyinka uulo, sida Biyo Cadde, Caadley, iyo Cali Fooldheere, kaddib markii ay maleeshiyaadkii Shabaab isaga baxeen halkaasi. Ciidamada ayaa deegaannadaasi ka wada howlgallo dheeraad ah oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka, iyadoo dadka deegaannadaasi ay si diirran usoo dhaweeyeen ciidamada. Wasaaradda Caafimaadka oo Agab kala duwan u qeybisay Isbitaalada Muqdisho Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Maxamed Cabdi Daalo ayaa 23kii Feberaayo 2016 agab ay ku jiiftaan bukaanada u qabiyay afar isbitaal oo ku yaala magaalada Muqdisho, kuwaasi oo kala ah Benaadir, Madiina, Keysaney, Deyniile iyo xarun caafimaad oo ku taala degmada Xamar Jajab, kana mid ah kuwa sida lacag la’anta ah adeegyada caafimaad u siiya bulshada. Deeqdan ayaa ka timid hay’ad ka shqeysa dhanka gargaarka oo laga leeyahay dalka Boqortooyada Sacuudiga. Saacid Muhana oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda deeqda keentay ayaa tilmaamay inay joogteynayaan wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed. Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Cismaan Daalo ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid ay baahi weyn u qabeen isbitaalada la gaarsiiyey, isagoo dowladda boqortooyada sacuudiga uga mahadceliyay sida ay marwaliba u garab taagantahay Ummadda Soomaaliyeed. Ciidanka Dowladda oo Howlgallo ka sameeyey Muqdisho Ciidamada ammaanka fiidkii 21kii Feberaayo 2016 howlgallo ay ka sameeyeen qaar ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir ku soo qab-qabtay dad lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab. Ciidmada ayaa howlkanka ka fuliyay Degmooyinka Yaaqshid iyo Hiliwaa, iyagoo ku soo qabtay 50 oo lala xiriirinayo inay ka tirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay iminku ku socoto baaritaanno la xiriira tuhunka loo heysto. Sidoo kale ciidamada howlgallada ee wada jirka ah ayaa waxa ay sidoo kale howlgal balaaran ka fuliyeen Degmada Waabari kaas oo qaatay saacado badan, ciidmadan oo isugu jiray NISA, Booliska, Milateriga, Asluubta iyo AMISOM ayaa waxa ay dhamaan xireen Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Degmada. Ciidamada oo kaashanaya Shacabka oo Caad & Ceel-Cabdi ku dilay 22 Al-Shabaab ah Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in 22kii Feberaayo 2016 deegaannada Caad & Ceel-Cabdi lagu dilay 22 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab kadib markii dadka deegaanadaasi ay ka biyo diideen lacago baad ah oo ay Shabaabku ka qaadi rabeen. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan (Mesagaway) ayaa sheegay in shacabka Galmudug gaar ahaan shacabka deegaanada Caad & Ceel-Cabdi ay yihiin geesiyaal diiday in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay qasbaan oo argagax joogta ah ku hayaan. Wasiirka ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Caad & Ceel-Cabdi kooxaha argagaxisada looga dilay 22, isla markaasna looga dhaawacy 30 ruux. Dhanka shacabka iyo ciidanka GalMudug waxaa ka dhintay hal ruux, waxaana dhaawac soo gaaray hal ruux. Saldhiga Booliiska Xamar-Jabjab oo dib loo dhisayo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliska ayaa 21kii Feberaayo hawlo kormeer ah ku tegay Saldhigga booliska ee Degmada Xamar Jabjab oo dhismihiisa uu ka socdo, waxaana howsha si wada jira ah uga qeyb qaadanayay saraakiisha ciidanka booliska iyo maamulka gobolka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in ay ka qaybqaadanayaan dhismaha saldhiga Booliiksa Xamar Jabjab, kuna kabayaan dhismaha saldhigga lacag dhan tobon kun oo doolar. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamad Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in qorshaha iskaa wax uqabso ee lagu dhisayo saldhigaan uu bilaw unoqonayo dib u dayactirka saldhigyada booliska ee Gobolka Banaadir. Baydhabo oo Mashaariicda Xalka Waara lagu daahfuray Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ( ILO ) ayaa mashruuc loogu magac daray Xalka-Waara ku daahfurtay magaalada Baydhaba 21kii Feberaayo 2016. Mashruucan oo ay maalgelineyso dowladda Japan ayna fulineysay hay’adda maxaliga ee MMC oo xiriir shaqo la leh Hay’adda ILO ayaa waxaa ka faa’iideysan doona 320 ruux oo 160 kamid ah yihiin dadka kusoo gurya noqday dalkooda ee ka yimid wadamada dersika sida Kenya, Ethiopia iyo Yemen. Sidoo kale mashruucan waxaa ka faaideysan doona 96 ka mid ah dadka dalka gudihiisa ku barakacay (IDPs)-ka iyo 54 ka mid ah dadka liita ee ku dhaqan magaalada Baydhaba. Hay’adda MMC ayaa mudo 4 bilood ah dadka ka faa’iideysanaya bari doonta xirfado kala duwan oo u sahli doona inay shaqo ku heelaan, sida uu sheegay Madaxa hay’adda MMC Mudane Sid Cali Baafo waxaa jira in mudada tababarka ay sameyn doonaan tababar barashada Ganacsiga ah ah oo ay ka qayb galayaan dhamaan 320 qof. “Tartan qorshe ganacsi ay wada gali doonaan ka faaideysteyaasha ayaa lagu soo xuli doonaa 160 kamid ah oo ku heli doonaa abaalmarin lacageed oo gaareysa $500 oo ah lacag ganacsi lagu bilaabayo.” ayuu yiri Sid Cali Baafo. Munaasabadan waxaa ka qaybgalay Odayaasha Dhaqanka, Ururada bulshada raydka, Madaxda heer degmo iyo heer gobol, Wasiir kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Koonfur-Galbeed, Agaasimaha Waaxda shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Federalaaka Soomaaliya. Golayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku shiray Muqdisho Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa 21kii Feberaayo 2016 Muqdsho ku soo xeray shir Golayaasha Sharci dejinta Soomaaliya oo socday intii u dhaxeysay 17-20 Feberaayo 2016. Guddoomiye Jawaari ayaa tilmaamay in qorshaha ay golayaasha sharci dejinta isla ogolaadeen ay ka mid tahay in marka guddiga Baarlamaanka Federaalka u xil saaran arrimaha Dastuurka marka ay baxayaan oo Dastuurka ay geynayaan Golayaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada ay raacaan sidoo kale dhammaan Xildhibaannada deegaan doorashadooda loo socdo ee heer federaal waxaana uu dhanka ballan qaaday in Guddoonka Baarlamaanka Federaalka uu wada shaqeyn joogto ah la yeelan doono goleyaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada. Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdulqadir Shariif Sheekh Unaa ayaa uga mahad celiyey Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu muhiimad u siinayo wadatashiga golayaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada waxaana ay si wadajir ah u sheegeen iney raacsan yihiin heshiis is afgarad la xiriira mabaadii’da hagaya iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhaxeysa golayaasha sharci dejinta Soomaaliya. Ciidamada oo Howlgalo amniga lagu sugayo ka sameeyey Dharkinley Ciidamada ammaanka ayaa fiidkii 20kii Feberaayo 2016 howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Dharkinley ee gobolka Banaadir. Howlgallada ayaa ciidamadu waxa ay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku socoto baaritaano lagu kala saarayo kuwa ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa aan ahayn. Howlgalka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya caasimadda. Guddoomiyaha Degmada Dharkeynleey Cumar Meyre Macow ayaa sheegay in shacabka degmada ay la shaqeeyaan ciidamada amniga, isla markaasna uga digay dadka qarinaya maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab, sheegeyna ciddii lagu hela laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, waxaana uu intaa raaciyay in bulshada looga baahanyahay inay ka shaqeyso xoojinta amniga. Arlaadi Aid oo qalab caafimaad soo gaarsiisay Isbitaalka Baydhabo Qalab caafimaad oo noocyo badan ka kooban isla markaana loogu talagalay Isbitaalka guud ee gobolka Baay, ayaa waxaa soo dhiibay ururka Arlaadi Aid oo ay leeyihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka, waxaana 21kii Feberaayo lagu wareejiyay Guddoomiyaha Gobolka Baay, iyadoo goob joog ay ka ahaayeen Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Nuur Maxamed Nuunow oo ah guddoomiyaha ururka samafalka ah ee Arlaadi Aid ee dalka Mareykanka oo qalabka caafimaad juhdi weyn geliyay sidii halka lagu soo gaarsiin lahaa ayaa u mahadceliyay dadkii gacanta ka geystay howshan samafalka ah. Guddomiyaha gobolka Baay C/rashiid Maxamed C/laahi oo qalabka kala wareegay ururka samafalka ah ee Arlaadi Aid ayaa balan qaaday in qalabka loogu adeegi doono dadkii loogu talagalay, waxaana uu baaq in direy dadka Soomaaliyeed in ay isu gurmadaan. Dawladda Soomaaliya oo soo bandhigtay qorshaha daahfurnaanta maaliyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 20kii Feberaayo 2016 ka qeybgaley munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ay ku soo bandhigtey Barnaamijka Daah-furnaanta Dowladda. Barnaamijkan ayaa hadafkiisu yahay diyaarinta macluumaadka guud ee dowladda, meel marinta sharciyo, xeerar iyo habab keeni kara in dowladdu xilkasnimo muujiso, shacabkana laga qeybgeliyo ka tala bixinta arrimaha qaranka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in hufnaanta iyo daahfurnaanta ay qeyb ka yihiin dowlad wanaagga ay Soomaaliya hiigsaneyso. Aqoonyahannada iyo khubaradda ka qeybgashey daahfurka munaasabadan qaran, ayaa fursad loo siiyey inay Madaxweynaya su’aalo ka weydiiyaan qaabka ugu habboon ee barnaamijkan dalka looga hirgelin karo. Shirka Istanbul oo Dowladda waxqabadkeeda lagu ammaanay lana taageeray qorshaha 2016 Wakiillo ka kala socda 46 dal iyo 11 hay’adood oo caalami ah ayaa iskugu yimid magaalada Istanbul 23ki iyo 24ki Febraayo 2016 si ay uga qaybqaataan shirka sadexaad ee heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Heerka Sare (HLPF), oo uu marti-geliyay Mudane Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, ayna wada shir-guddoomiyeen Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Mudane Jan Eliasson, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madashani waxay daba socotaa shirarki hore ee lagu kala qabtay magaalada Copenhagen sanadki 2014 iyo magaalada Muqdisho sanadki 2015. Laba kulan oo rasmi ah oo gooni gooni ah, midkoodna uu khuseeyay Haweenka, Nabadda, iyo Amniga, midka kalena uu khuseeyay Dhalinyarada, ayaa la qabtay intii ay socotay Madasha Iskaashiga Heerka Sare (HLPF). Shirkan ayaa soo dhoweeyey warbixinta labaad ee sanadlaha ah ee ku saabsan Heshiiska Soomaaliya ee Hiigsiga Cusub (New Deal), waxaana la bogaadiyey hanaanka Dib-u-eegista Heshiiska ee faahfaahsan, taas oo fududaysay in si wadajir ah falanqayn loogu sameeyo guulaha iyo caqabadaha lagala kulmay hirgelinta, iyo weliba in la meel dhigo oo la asteeyo guulaha la rabo in la gaaro sanadka 2016. Iyadoo caqabaduhu ay badanyihiin, ayaa warbixintani waxay si sax ah u qiraysaa in horumar ballaaran oo dhinacyo badan leh laga gaaray ajendaha/qorshaha nabadaynta iyo dhismaha dalka, waxayna warbixintu xaqiijinaysaa waxqabadka joogtada ah. Iyadoo ay sii dhamaanayso muddadi dastuuriga ahayd ee Dowladda iyo Baarlamaanka Federaalka ah, ayaa sanadka 2016 wuxuu yahay sanad muhiim u ah Soomaaliya. Shirka ayaa soo dhoweysey hanaanki loo wada dhamaa ee laga wada qayb-qaatay kaas oo horseeday in heshiis laga gaaro mabaadi’da iyo tallaabooyinka ugu waawayn ee hanaanka doorashada 2016, ayuu shirku ballan qaadayaa in ay dadaal kasta ku bixineyso sidii loo heli lahaa hanaan doorasho bisha Agosto 2016. Waxaan hoosta ka xariiqaynaa rajada aadka u xoogan ee aan ka qabno in aanay wax caqabad ah ku imaanin waqtiga loogu talo galay hirgelinta hanaanka doorasho, waxaana kamid ah arrimaha (aan aadka ugu rajo weynnahay) inay jirto xorriyadda hadalka, waxaa kale oo kamid ah in aan muddo kordhim loo samaynin muddada dastuuriga ah ee ay ku egyihiin hay’adaha fulinta iyo sharci-dejinta. Waxaan ku baaqaynaa in si loo wada dhanyahay oo laga wada qaybqaato loo soo gabagabeeyo Qorshaha Fulinta ee Hanaanka Doorasho ee 2016 iyo horumarinta Khariidadda lagu gaarayo sanadka 2020.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment