8382 Views

Qaraxii xalay gil gilay magaalada Muqdisho iyo raadki uu reebay

Qaraxii xalay gil gilay magaalada Muqdisho iyo raadki uu reebay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27 February 2016: Qaraxyihi xalay magaalada Muqdisho lulay, ayaa geystay khasaare aad u xoogan oo isugu jiray, dhimasho, dhaawac iyo bur bur dhismayaal ka ag dhowaa halka qaraxa ka dhacay ee agagaarka Taaladii SYL taasoo oo ka soo jeeda Villa Soomaaliya

Dadka qaar oo reer Muqdisho ayaa qaraxan ku tilmaamay kii ugu cuslaa ee soo mara magaalada, marka loo fiiriyo kuwi horay uga dhici jiray.

Qaraxan ayaa ka dhashay gaari kuwa xamuulka ah oo si aad ah looga soo buuxiyay oo ka dhacay agagaarka Taalada SYL, waxaana uu dumiyay dhismayaal uu badankood dhulka soo dhigay.

Dhismooyinka u dhaxeeya Gurigii Hooyooyinka illaa ilinka Madaxtooyada ayaa dumay, waxaana ka mid ahaa guryo ku yaalay Ex Fiyoore, guryo ku yaalay Barxada iskaashatooyinka iyo guri ka fogaa halka qaraxa ka dhacay.

Intaa waxaa dheer dhismayaasha uu bur buriyay qaraxa waxaa uu god ka qoday bartamaha laamiga, waana arrin aad dadka u hadal hayeen.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in gaariga qarxay uu siday tan dhan 200Kg waxyaabo qarxa ahaa, isla markaana uu aad uga xooganaa qaraxii Hotelka Jazeera ee sanadkii hore lagu weeraray.

Laamaha ammaanka ayaa sheegaya in qaraxaas aanu bartilmaameedkiisa uusan gaarin, isla markaana ay dhici laheyd khasaare intaa ka badan, waxaana ciidamada ay toogteen dabley hubeysan oo isku dayday in markii qaraxa dhacay Hotelka galaan.

Qaraxaan waxaa ku dhintay illaa 15 ruux dad kor u dhaafay oo ay ku jiraan askar iyo dad shacab ah oo qaarkood firirada ugu tagay guryahooda iyo kuwo wadada marayay oo dhibaatada la kulmay.

qarax

qaraxyadi-cuslaa-2

qaraxyadi-cuslaa-3 (1)

qaraxyadi-cuslaa-4

qaraxyadi-cuslaa-5qaraxyadi cuslaa (9)

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment