3810 Views

“Qaraxii xalay wuxuu ka weynaa kii hotelka Jazeera, illaa 200KG ayuu ahaa”

“Qaraxii xalay wuxuu ka weynaa kii hotelka Jazeera, illaa 200KG ayuu ahaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27 February 2016: C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sheegay in qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho uu ahaa kii ugu xooganaa ee ka dhaca magaalada, kaasoo uu xusay in loo adeegsaday baabuur kuwa xamuulka ah oo isku dayay inuu ka gudbo bar koontarool ciidamada ku sugnaayeen.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada ay ka hor-tageen, ayna ku joojiyeen gaariga barta koontarool, isla markaana goobta isku qarxiyay, isagoo intaa ku daray.

“Ciidamada Nabadsugida ayaa gaariga xamuulka ahaa ku joojiyay koontaroolka, wuxuu isku dayay inuu xoog ku gudbo, markiiba waa uu qarxay”ayuu yiri Wasiirka, afar Ciidamadii Nabadsugida ka mid ahaa ee goobta ku sugnaa aya ku dhinteen.

Sidoo kale Wasiirka ayaa intaa ku daray in ciidamada ay toogteen kooxo isku dayay inay galaan Hotelka, kuwaasoo gaariga ka degay.

Waxaa la sheegay in khasaaraha uu ahaa mid yaraa, marka loo eego sida gaariga uu damacsanaa. Wasiirka, wuxuu xusay in qaraxan uu ka xoog badnaa kii Hotelka Jazeera lala eegtay dhamaadkii bishii July ee sanadkii hore, kaasoo qeyb ka mid ah dumiyay.

“Baaritaan ay sameeyeen Booliska qaraxyada qaabilsan iyo hey’adaha taageera waxay qaraxan ku tilmaameen inuu ku cuslaa kii hotelka Jazeera, wuxuu ahaa 200KG waxyaabaha qarxa ee saarnaa, kii Hotelka Jazeera wuxuu ahaa illaa 150KG”ayuu yiri Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed.

Qaraxan xoogiisa waxaa laga dareemay magaalada oo dhan, iyadoo dhismaha magaalada qarkood uu waxyeelo gaarsiiyay.

Hotelka SYL oo bartilmaameedka uu ahaa ayaa ku dhow Xarunta Madaxtooyada, waana markii labaad ee Hotelka weerar lagu qaado, kaas oo ah bishi jannaayo 2015, xilli marti badan ay ku soo degeeysay hotelka.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment