3420 Views

Dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo maanta ku shiraya Jabuuti

Dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo maanta ku shiraya Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28 February 2016: Dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya ayaa maanta shir uga furmaya magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti, iyadoo shirkan looga hadlayo howl galada ciidamada AMISOM iyo dagaalka ay kula jiraan cidaanka ka soo horjeeda.

Shirkan ayaa lagu laga guri doonaa sidib dib loogu eegi lahaa howl galka iyo hagaajinta hanaanka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, la shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amniga Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay jireen dhaliilo loo jeedinayo dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, kuwaasoo aanay xiriir joogto ah laheyn shacabka.

Kulankaan ayaa qodobada laga soo saari doona ka mid tahay sidii ciidamada loogu jeexi lahaa qaab istiraatiiji ah oo ka bedelan qaabka ay hada u howl galaan, maadaama muddooyinkii u dambeeyay ay weeraro kala kulmayeen koxda ka soo horjeeda..

Madaxa Nabadgelyada iyo Amniga Midowga Afrika Ismail Chergui ayaa sheegay in howl gal adag oo ka dhan ah Ciidanka ka soo horjeeda si deg deg ah loo bilaabi doono

Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya ayaa shalay shir horu dhac ah ku yeeshay magaalada Jabuuti, waxaana ay soo saari qodobo dhowr ah oo la filayo in la horgeeyo shirka Madaxweyna-yaasha.

Howl galka Nabad ilaalinta Midowga Afrika oo 10-sano jirsanaya ayaa waxaa uu haatan culeysyo kala kulmayaa Al-Shabaab oo sanadkii 2011 bedeshay qaabkii dagaalka, isla markaana bilowday weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ay la beegsaneyso Xarumaha Ciidamada AMISOM ku leeyihiin gobolada dalka Soomaaliyeed.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment