3687 Views

Magaalada Baydhabo oo goor dhow qaraxyo ka dhaceen

Magaalada Baydhabo oo goor dhow qaraxyo ka dhaceen
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28 February 2016: Sida warka nagu soo gaarayan magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa qaraxyo xoogan goor dhow ka dhaceen bartamaha magaalada.

Qaraxa hore ayaa ahaa uwo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo lagu weeraray maqaayad ku dhow agagaarka Afar Irdoodka iyo goob laga qaxweeyo oo dadka fariistaan oo ku taal agagaarka Xarunta Dahabshiil.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa labaad uu ahaa qof naftii hure ah oo ku xirnaa jaakadaha qarxa, kaasoo beegsaday maqaayad ku dhow Afar irdoodka.

Dadka qaar ayaa sheegaya in goobta qaraxyada ka dhaceen ay ku yaallaan goobaha faras magaalaha oo u badan maqaayado iyo goobo ganacsi kala duwan, dadkuna ay ku badanyihiin.

Dad badan ka badan 10-ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxyadan, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka dhashay qaraxa loo adeegsaday gaariga, kaas oo dhibaatooyinka badankooda geeystay.

Inta qoralkaan an wadnay ayaa waxaa na soo gaartay in qasaaraha u kordhay. Waxaa la sheegayaa in dhimashadu ay gaartay 42, dhaawacana waa 94. Qasaaraha hantida ila hadda lama oga.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment