3849 Views

“Waa Mas’uuliyad laga cararayo in Amniga Muqdisho lagu wareejiyo Gobolka Banaadir”

“Waa Mas’uuliyad laga cararayo in Amniga Muqdisho lagu wareejiyo Gobolka Banaadir”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28 February 2016: Maxamuud Axmed Tarsan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa dhaliilay qaabkii Gobolka Banaadir loogu wareejiyay Amniga Caasimada, isagoo ku tilmaamay inay tahay arrin aan dastuuri aheyn oo naxli ah.

Asaga oo la hadlayay Laanta afka Soomaaliga ee VOA, Tarsan ayaa sheegay in aanay is qabin karin in Hey’addaha Amniga ay wareejiyaan Mas’uuliyadii saarneyd iyo inay awooda heystaan, taasoo uu ku tilmaamay in aanay aheyn arrin socon karto, waana arrin yaab leh.

“Arintaas Dastuuri ma ahan, dariiq loo soo maray oo sharci ah ma ahan, waxay rabaan Mas’uuliyaddii saarneyd ayay Hey’adaha Amniga iska wareejinayaan, waxayna rabaan inay awoodiina ay heystaan, arrintaasna ma ahan mid socon karto”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarsan.

Gudoomiye Tarsan ayaa cadeeyay in Gobolka Banaadir aanu xilligan u diyaarsaneyn dhinaca Amniga, isla markaana go’aanka la gaaray uu yahay mid si fudud loo gaarayee an laga fiirsan.

“Gobolka Banaadir uma diyaarsana, Guddoomiyaheedana uma diyaarsana, nin amni ma ahan, waxay u muuqataa arrin Mas’uuliyadeeda laga farxalanaya ee la rabo in Mas’uuliyada Amniga Umadan in meel kale loo saaro, Amniga Qaranka waxaa Mas’uul ka ah Hey’adaha Amniga, ayada loo tababaray, loo maalgeliyay, loona qalabeeyay, marka inay dhanaan si fudud isaga wareejineynaa markii dhowr fashil dhacay, waxay la tahay inay dhahaan anaga yaa nala weydiin, wixii dhaca, waa fakasho Mas’uuliyad lagala cararayo”ayuu yiri Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir.

Tarsan ayaa kula taliyay Mas’uuliyiinta Hey’adaha ammaanka in hadii ay rabaan inay Mas’uuliyada amniga wareejiyaan inay istiqaalad dhiibaan oo ay is casilaan shaqada ay hayaan

“Dalka oo dhan kama shaqeeyo, Hey’adaha Amniga meesha ay joogaan oo ay ku howl galaan waa Muqdisho, markii haduu maanta dhaho Muqdisho ka tagayaa, gobol kalena aadayaa waa Socon waayay aan roorno waaye”ayuu yiri Tarsan.

Mar la weydiiyay in xilligii uu xilka hayay inuu dalbaday in Laamaha Amniga Gobolka Banaadir la hoos-keeno ayuu xusay inuu horay u rabay in wada shaqeyn dhanka Amniga lagala shaqeeyo, balse Wasiirkii Amniga ee xilligaas iyo Taliyeyaashii Ciidamada ay u qaateen in awoodooda uu la wareegayo.

“Aniga waxaa rabay wada shaqeyn, waxaa la’aa wax ila shaqeeyo, wax si joogto ah amniga ila garab-taagnaa ma jirin, marka dhahay aan wada shaqeyno ayay ii qaateen inaan shaqadooda qaadanayo, waxay i hordhigeen caqabado fara badan, Wasiirkii Amniga iyo Taliyeyaashii Amniga waxay is dhaheen ninkan awoodeena ayuu rabaa inuu qaato, anigana waxaa dalbayay inaan wada shaqeyno Amniga magaalada ka wada shaqeyno”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Tarsan.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in hadii degmo kasta amnigeeda si gooni u sugan lahaayeen ay magaalada Muqdisho amni noqon laheyn, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in bulshada degmo kasta amniga lagala shaqeeyo, hase ahaatee la doonayo in Mas’uuliyad laga cararayo, hadhowna meel kale loo saariyo wixii dhaca.

“Degmo kasta hadii amnigeeda gooni u sugan xamar amni ma noqon karo, degmada waxaa laga rabaa inay bulshada abaabusho amniga lagala shaqeeyo, laakiin hadii la dhaho waxaa ku wareejinay guddoomiyaha gobolka Amniga Magaalada, waa mas’uuliyad laga cararayo oo hadhow la rabo in mas’uuliyada meel kale loo raacdo, sababtoo ah gobolka xirfadii ma lahan, sirdoonki ma lahan, waxa dagaalamaya waa Sirdoon, ma jirto ciidan is hor fadhiya”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Faalladaan ka soo yeeray Tarsan, ayaa ku soo aadaya kadib markii Taliyaha Hey’adda Nabadsugida Qaranka uu sheegay in Mas’uuliyada Amniga Muqdisho lagu wareejiyay Gobolka Banaadir, isla markaana wixii hada ka dambeeya Mas’uuliyad ka saaran tahay, lagula xisaabtamayo. Waa Goorma??

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment