5073 Views

Madaxweynaha oo shir guddoomiyay kulan Ammaanka looga hadlayay

Madaxweynaha oo shir guddoomiyay kulan Ammaanka looga hadlayay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 29 February 2016: Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa xalay shir-guddoomiyay kulanka deg deg ahaa oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayay dar dar gelinta Ammaanka iyo sida wax looga qaban lahaa weerarada Al-Shabaab ka geysanayaan goobaha shacabka.

Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida ayaa shirka warbixin looga dhageystay oo ku saabsan xaalada amniga, gaar ahaan qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Baydhabo.

Shirkaan ayaa laga soo saaray in go’aano la xiriira dhinaca ammaanka, isla markaana dhowaan la qaadi doono howlgal balaaran oo lagu sugayo amniga, isla markaana lagu bad baadinayo shacabka Soomaaliyeed,

Howlgalkan ayaa la sheegay inay hormuud ka noqon doonaan Madaxda sare ee dowladda, iyadoo qorshuhu yahay in deegaanada Al-Shabaab ku sugan yihiin laga saaro si deg deg ah.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Mareeye oo shirka kadib la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in shirka la isku raacay in la qaado howlgallo lagu badbaadinayo shacabka, laguna cirib tirayo Al-Shabaab.

“Waxaa la isla gartay in Madaxda qaranka inay hormuud ka noqdaan dagaal aan waxba loogu reebi doonin argagixisada, Dowladda Soomaaliya waxay fiiro gaar ah u yeelaneysa dadka taageera argagixisada ee maalgelinaya”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Ugu dambeyn Wasiika Warfaafinta ayaa tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee lagu dilay dad u badnaa shacab an waxba galabsan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment