3246 Views

Afar ka tirsan ciidamada dowladda oo ku geeriyooday qarax miino

Afar ka tirsan ciidamada dowladda oo ku geeriyooday qarax miino
____________________________________________________________________________

Muqdisho,1 March 2016: Wararka naga soo gaaraya deegaanka Carbiska oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in ciidanka dowlada oo saaraa gaadiidka dagaalka lala beegsaday qarax miino.

Afar askari ee ka mid ahaa ciidanka dowlada ayaa ku geeriyootay qaraxaas  oo ahaa miino kuwa dhulka hoostiisa lagu aaso, lagana hago meelaha fog.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaadiidka qaraxa lala eegtay uu ka mid ahaa saddex gaari dagaal oo ku sii jeeday degmada Afgooye ee Sh/Hoose.

Askar kale oo ku dhaawacantay qaraxa ayaa loo qaaday Isbitaalada Muqdisho, waxaana goobtii qaraxa ka dhacay ee deegaanka Carbiska gaaray ciidamo ka tirsan dowladda.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen qaraxa.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa horay qaraxyo lagula eegtay gaadiidka ay saaran yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM taas oo marar badan horay u dhacday.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment