3246 Views

Dadkii ku dhaawacmay Muqdisho iyo Baydhabo oo dibada loo qaadayo

Dadkii ku dhaawacmay Muqdisho iyo Baydhabo oo dibada loo qaadayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 1 March 2016: Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado dadaalo dibada loogu qaadayo dadka aan waxba looga qaban karin dalka ee ku dhaawacmay qaraxyadii todobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaas oo dad badan wax ka soo gaareen.

 

Xaawo Xasan Maxamed Wasiirka Caafimaadka  oo shalay gaartay magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku booqatay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Axadii oo ku jira Isbitaalka guud ee magaaladaas.

“Dadaalo dibada loogu qaadayo dadkii dhibaatada soo gaartay ayaa wadnaa, gaar ahaan kuwii ku dhaawacmay Muqdisho iyo Baydhabo, waxaa codsi u dirnay dowladda Turkiga, howshaasna waa wadnaa, meel fiican ayay inoo mareysaa”ayay tiri Wasiirka Caafimaadka.

Dad ka mid ah kuwi ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo ayaa shalay loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii wax looga qaban waayay Isbitaalka Baydhabo.

Dad kor u dhaafayo 30 ruux ayaa ku geeriyootay, halka tiro kalena ku dhaawacmeen qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Axadii ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo.

Wasaarada Caafimaadka ayaa dadaal muuqda wado sidi dadkaas dibadaa loogu qaadi-lahaa.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment