3015 Views

Go’aamo ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada

Go’aamo ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 1, 2016 – Shirkii Golaha Wasiirada ee aan caadiga ahayn ee socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, oo uu shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, laguna Casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo loogu kuur-geliyey xaaladda amni ee dalku hadda ku sugan yahay.

Waxaa la isku raacay baahida loo qabo in hoos loo daadajiyo sugidda amniga dalka, sidii ay horeba u ahaan jirtey iyo in fursad loo siiyo Shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin mugleh ka qaataan sugidda amniga, loona helo isla xisaabtan dhab ah,waxaana la go’aamiyey;

  1. Waxaa dajiyey qorshe dhamaystiran oo lagu sugayo amniga iyo nabad-gelyada guud ahaan dalka, gaar ahaana magaallo madaxda dalka ee Muqdisho.
  2. In Talisyada Ciidamadda Nabad gelyada ee Booliska iyo Nabad-sugidda ee heer gobol, fadhigooduna yahay Gobolka Banaadir (Muqdisho) ay si toos ah ula shaqeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo ku howl galaya awaamiirta iyo tilmaamaha maamulku ku sugayo Nabad-gelyada iyo Amniga magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.
  3. Si loo fuliyo qoshaha Nabadeynta iyo Xasalinta guud ahaan dalka, gaar ahaan Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, waxaa la mamnuucay;
  • In Ciidan aan ka tirsanayn ciidanka loo qoondeeyey degmo kasta, aanay wax hub ah oo aan shaqo la og yahay ku jirin lala dhex-mari karin degmooyinka Gobolka Banaadir.
  • In Ciidamadda ay wataan Wasiirada, Xildhibaanada iyo madaxda kale ee dawladda ay sitaan aqoonsi u gaar ah.
  • In Ciidamadda iyo Hubka ay leeyihiin shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay ay iska diiwaan geliyaan Wasaaadda Amniga Gudaha, haddii ay wax dhaq-dhaqaaqa sameynayaana ku wargeliyaan maamulka degmada ay ka baxayaan iyo degmada ay tagaaan.
  • Guud ahaan dalka, waxaa reebay haysashada hub sharci darro ah oo aan ka diiwaan gashanayn Wasaaradda Amniga.
  • Golaha Wasiirradu waxay isla garteen in dib-u-dejin loo sameeyo Barakacayaasha, iyadoo lala kaashanayo Hay’adaha Caalamiga ah, si ay uga qeyb qaataan horumarka iyo Nabad-gelyada dalka.

Baaq

Waxaa loogu baaqayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, in ay taageeraan, gacanna ka geystaan qorshaha dawladdu ku sugeyso amniga iyo xasilinta dalka.

shir-golaha-wasiirada-2

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment