4917 Views

Madaxweynaha oo dib u dhigay socdaal uu ku tegi lahaa Sweden

Madaxweynaha oo dib u dhigay socdaal uu ku tegi lahaa Sweden
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 1 March 2016: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa soo gaabiyey socdaal uu ku joogay dalka Jamhuuriyadda Djibouti, dibna ugu soo laabtay dalka, si uu uga qeyb qaato, una horkaco dadaal dowladda ay dib u eegis ugu sameyneyso xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho oo ay dhowaan ka dhaceen weeraro dad badan ku geeriyoodeen.

Madaxweynaha ayaa dib u dhigay safar rasmi ah oo uu ku tegi lahaa dalka Sweden 1-da ilaa 3-da bisha March 2016. Booqashadan ayaa looga gol lahaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Soomaaliya iyo Sweden waxaa ka dhexeeya xiriir qota dheer, siiba dhinacyada horumarinta, dib u dhiska,

Madaxweynaha ayaa waxaa u qorsheysneyd inuu kulamo la yeesho Boqorka Sweden, Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan xukuumadda Sweden, kana wadahadlaan horumarka Soomaaliya ay ka sameysey dhinacyada siyaasadda, dib u heshiisiinta, xoojinta taageerada Sweden ee dhinaca maalgashiga dhaqaalaha gaarka ah iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu shacabka iyo dowladda Sweden uga mahad celiyay martiqaadka loo fidiyey, balse waxaa uu si weyn uga xun yahay dib u dhaca ku yimid socdaalkiisa, sababo la xiriira xaalado soo kordhey awgood.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in marka ay xaaladda u ogolaato uu tegi doono Sweden.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment