7659 Views

MAXAA ISKA BEDELI DOONO AMNIGA MUQDISHO?

MAXAA ISKA BEDELI DOONO AMNIGA MUQDISHO?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 1, 2016 – Maxaa iska bedeli doono Amniga Muqdisho, markii lagu wareejiyo Maamulka G. Banaadir?, yaase Hogaamin doono?

Hadaba Somaalidu waxay tiraahdaa “nin bukow boqoli kuu talisay”, shacabka kunool Muqdisho waxay waqti kasta hadal hayaan sida loo sugi karo Amaanka Muqdisho iyo Cida ama Gacanta lagu Aamini karo in ay sugto Amaanka Muqdisho!!!, waayo Nabad la’aan waa Nolol la’aan.

Waxaa Qalqal iyo Jahawareer galay Deganaanshihii iyo Nolol maalmeedkii Shacabka, iyadoo aan la aqoon Shaqsiga layska ilaaliyo iyo Shaqsiga laysku Aaminikaro, waayo Shacabka marwalba waxay is waydiinayaan MEELAHA AY SOO MARAAN GAWAARIDA LAGU DHIBAATEEYO SHACABKA IYO MEELAHA LAGU SOO DIYAARIYO in ay tahay Gudaha Magaalada iyo Banaanka Magaalada iyo sababta looga Hortagi waayey inta aysan imaan Goobaha ay ka gaystaan dhibka?.

Mar hadii ay dheceen Qaladaadka noocaan oo kale ah, marar badan oo kala duwan, maxaa looga faa’idi waayey aqoon looga hortago in aysan dhicin markale falalkan Arxandarada ah ee soo noq noqday!!!.

Waxaa inta badan aad la isu waydiinayaa, hadii Amniga lagu wareejiyo Gobolka Banaandir Maxaa isbedeli doono, Gobolka ma u leeyahay Awood CIIDAN iyo mid DHAQAALE in uu sugo Amaankiisa, yaase Hogaamindoono Howl galka lagu sugi doono Amniga Muqdisho, inkastoo aan weli la SHAACIN qaabka loo howl gelin doono Ciidanka iyo sifaha loo sugi doono Xuduudaha laga soo galo Muqdisho.

amaanka-muqdisho-1

Waxaa jira Tuhuno iyo Dhaliilo badan oo laga qabo qaabka loo sugi doono Amaanka iyo Ciidanka loo adeegsandoono sugida Amaanka, waayo Mar walba uu dhoco DHIB waxyeela ugaysta Shacabka, ilaa iyo hada lama hayo dad loo soo qabtay falalkaasi dhacay. Waxaase taas ka siidaran ilaa iyo hada lama hayo Shaqsi Masuul ah oo loo CIQAABAY dadaal xumadii ka timid dhibaatooyinkii ka dhacay Muqdisho, waana arin aad la isu waydiinayo!!!.

War iyo dhamaan Shacabku wuxuu sugayaa Xirfada CUSUb ee uu keeni doono Maamulka G. Banaadir si loo sugo Amaanka Muqdisho iyo Talaabooyinka laga qaadi doono Shaqsiyaadkii ka soo bixiwayey Masuuliyadii lagu Aminay, iyadoo ay weli shacabka hadal hayaan dhibaatooyinkii ka soo garay falalkii ARXAN DARADA ahaa ee loo gaystay dadka maatada ah, iyagoo aan ogayn sababta loo bar tilmaa meedsanayo gaar ahaan dadka ugu liito Shacabka, sida ilmaha iyo dumarka.

.

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment