3288 Views

Axmad Madoobe: “Waa in xarumaha ay ilaaliyaan AMISOM laga qaado, ciidanka Soomaalida lagu wareejiyo”

Axmad Madoobe:  “Waa in xarumaha ay ilaaliyaan AMISOM laga qaado, ciidanka Soomaalida lagu wareejiyo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 1 March 2016: Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladaha ammaanka ee dalka iyo qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo iyo kii Muqdisho

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ammaanka uu faraha ka sii baxayo, isagoo ku dhaliilay in Soomaalida qeyb ka yihiin, maadaama ay ku tashtaan kaliya Ciidan shisheeye ayagoo iloowsan in ay isku tashadaan.

“Arrinta amniga maalmahan aad ayuu hoos ugu sii socdaa, dhibka inta badan Soomaalida leh, waayo ciidamo shisheeye baa wax ka sugnaa, waxaa la rabaa in la abaabulo ciidanka Soomaaliyeed, waana inay isku tashtaan oo ay xisaabtamaan”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe, ayaa talo ahaan u soo jeediyay in Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka haya xarumaha dowladda iyo xarumaha kale ee maamul goboleedyada laga qaado, laguna wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed, si la isugu tashto, isla markaana amniga uu ka bilowdo.

“Waxaa talo ahaan u soo jeedinayaa in Ciidamada AMISOM ee waardiyeynaha xarumaha laga qaado, gaar ahaan ha laga bilaabo Villa Somalia, in ciidan Soomaaliyeed oo dhisan lagu wareejiyo, waxaa u baahanahay waa amni oo dib loo xisaabtamo, lana isku tashto.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dhaliilay Beesha Caalamka inay ka gaabinayaan dhismaha Ciidan Soomaaliyeed, waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada inay amniga dib looga fikiro, ciidamada Soomaaliyeed la howl geliyo si deg deg ah.

Mar uu ka hadlayay weerarkii Baydhabo ayuu sheegay inuu ahaa mid shacab aan waxba galabsan oo ciyaar daawanayay lagu xasuuqay.

“Shalay Baydhabo xasuuq ayaa ka dhacay, dad ciyaaro daawanayay ayaa la qarxiyay, nimankaan waa cadaw, si toos oo cadawtinimo in loola dagaalamo la rabaa, laakiin dhibka na heysta wuxuu yahay qabyaalada maanta markii kii Shabaab ah la soo qabto reer hebel waaye iyo cudur daar lagu sii deynayo ayaa la sameynayaa, markii uu ku dilayo reer ma ahan arxan ma lahan, marka la qabtana reer iyo qabiil la rabaa in lagu sii daayo”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo shirkii ka dhacay Istanbul ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, waxaana shirkiisa jaraa’id uu diirada ku saaray xaalada amniga dalka asagoo si aad u wanaagsan uga hadlay arrimaha nabad-gelyada.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment