3285 Views

Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa lagula xisaabtamayo Amniga

Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa lagula xisaabtamayo Amniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho,2 March 2016: Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir wixii hada ka dambeeyay, lagula xisaabtami doono amniga degmada ay maamulaan, in kastoo an la ogeeyn jidka sharciga ah ee ay Wasaaradda u soo martay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa sheegay in Guddoomiye kasta uu mas’uul ka yahay amniga degmadiisa, isla markaana Guddoomiyaha degmada uu hoos imaan doono Taliyeyaasha booliska iyo Nabadsugida degmada.

“Guddoomiyaha degmada waxaa hoos imaanaya Taliyaha Booliska iyo Nabadsugida degmada, sidoo kale shacabka degmada ayuu heystaa, waxaana lagula xisaabtamayaa amniga, hadii degmadiisa wax ka dhacaan, kow ninka la qabanayo waa asiga, marka waxaa la doonayaa inuu mas’uuliyadaas qaado oo habeen iyo maalin u soo jeedo amniga degmadiisa”ayuu yiri C/rashiid Xidig.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Guddoomiye kasta oo degmo ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Gobolka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xukuumadda ilaa Madaxweynaha sida uu hadalka u dhigay.

“Hadii baabuur xamuul ah oo laga soo raray Afgooye ama meelo kale haduu ku qarxo degmadaada adiga Mas’uuliyada qaadeysid”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha.

Xidig wuxu sheegay in Maamulka degmada looga baahan yahay inuu si dhow ula socdo dhaq dhaqaaqa amni daro ee ka taagan degmada, isagoo ugu baaqay shacabka degmooyinka in ay la shaqeeyaan Guddoomiyasha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhowaan lagu wareejiyay amniga guud ee magaalada Muqdisho, wixii hada ka dambeeya ay mas’uul ka yihiin.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment