2967 Views

Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha Ammaanka oo laga sugayo Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha Ammaanka oo laga sugayo Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho,2 March 2016: Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo maalinimadii shalay kulan gaar ah ee albaabada u xiranyihiin, ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ayaa ku go’aamiyay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha Amniga ay hor-yimaadaan maanta oo Arbaco ah, si su’aalo looga weydiiyo arrimaha Amniga.

Shirka Xildhibaanada ayaa ka dambeeyay markii shalay Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska ay hor-imaan waayeen, inkastoo Wasiirka Amniga uu hor-tagay, hadana markii ay soo xaadiri waayeen Labada Taliye ayaa la fasaxay Wasiirka.

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan oo ka mid ah Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyeyaasha Amniga ay wax ka weydiin doonaan xaaladaha amni ee dalka, gaar ahaan tan Muqdisho oo faraha ka sii baxaya.

Waxaa uu sheegay in amniga Muqdisho uu ku soo aruuray kaliya Wadada Maka Al-Mukarama, ayna lagama maarmaan tahay in Laamaha amniga la xisaabtamaan, maadaama dhibka jira uu yahay hogaan xumo sida uu yiri.

Inkastoo Taliyaha Booliska uu safar ugu maqan yahay dalka Tunisia, ayaa hadana la ogeyn in Ra’iisul Wasaaraha uu hor-tagayo iyo in kale, iyadoo maalmahan Baarlamaanka uu aad diirada u saarayay arrimaha amniga, iyadoo ajandayaashii ee hor-yaalay meel iska dhigay.

Dad qaar siyaasada u dhuun daloola, ayaa waxa ay qabaan in Barlamaanka dadaalkiisa uusan ahayn Amniga kaliya, balse xildhibaanada qaar ay doonayaa in ay waqtiga dhumiyaan si ay u helaan mudo kororsi.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment