5310 Views

Dawladda Masar Oo Qaadanaysa Xoolaha Soomaaliya.

Dawladda Masar Oo Qaadanaysa Xoolaha Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho,3 March 2016: Dowladda Masar, ayaa mudo 25 sano kadib,u fasaxday in dalkeeda si toos ah loogu soo dhoofiyo xoolaha Soomaaliya waxaana bari chanalka suways ka dhacaysah xaflad balaaran oo lagu daahfurayo xoolaha soomaaliya ee masar tagayah. Xaflada lagu daah-furayo dhoofka xoolaha Soomaaliya ee dalka Masar ayaa waxaa ka qayb-galayaha Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Masar iyo ganacsato masaari ah. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowladda Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay sameeyeen ay ku guulaysteen in Masar ay mudo 25 sano kadib ay dib u fasaxdo in xoolaha Soomaaliya ay toos u tagaan dalka Masar. Xoolaha Soomaaliya ayaa tagi jiray dalka Masar marka ay soo maraan wadamada kale ee khaliijka waxaana uu sheegay wasiirku intaasi ay meesha ka baxday oo xoolaha Soomaaliya ay si toos ah u tagayaan dalka Masar. Wasiirka ayaa dhankale ka waramay shir looga hadlayey sidii Imaaraadka carabtu uu xayiraada uga qaadi lahaa Xoolaha Soomaaliya oo uga qayb-galay Magaalad Dubia waxaana uu sheegay in shirkaasi lagu go,aamiyey in Imaaraadku uu xayiraada ka qaado xoolaha Soomaaliya waxaana loo saaray gudi labada dhinac ah oo arintaas ka shaqeeya sida uu wasiirku sheegay,waxaana uu intaa ku daray in dhawaan ay dalka imaan doonaan dhaqaatiir ka socota Imaaraadka si ay baaris ugu sameeyaan Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya. Xoolaha Soomaaliya ayaa tagi jiray dalka Masar kadib marka ay soo maraan wadamo kale oo carbeed arintaan ayaan kor u qaadaysa dhaqaalaha dadka Soomaalida ah maadaama ay nolosha dadka Soomaalida ah ay ku tiirsantahay Xoolaha Nool iyo ka ganacsigooda.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment