6138 Views

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo toogasho ku xukuntay Xasan Xanafi

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo toogasho ku xukuntay Xasan Xanafi
____________________________________________________________________________

Muqdisho,3 March 2016: Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwada loo heystay Xasan Xanafi Xaaji, kaasoo loo heystay inuu maleegay dilal loo geystay Wariyeyaal fara badan.

 

Maxkamada ayaa ku xukuntay Xasan Xanafi dil toogasho ah, iyadoo xafiiska xeer ilaalinta uu ku soo oogay dambi ah inuu ku lug lahaa dilalka illa afar wariye oo Muqdisho lagu dilay sagaalkii sano ee u dambeeyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Xasan Xanafi ku soo eedeeyay dilka iyo ku lahaanshaha Marxuumiintan kala ah:-

1- Mahad Axmed Cilmi oo la dilay 11-08-2007
2- Cali Iimaan Sharmaake oo la dilay 11-08-2007
3- Saciid Tahliil Axmed oo la dilay 4/02/2009
4- Muqtaar Maxamed Hiraabe oo la dilay 08-06-2009
5- Sheekh Nuur Abkeey oo la dilay 04-5-2010

Maxkamadda ayaa dhageysatay marqaatiyaal la hor keenay Maxkamadda, waxaana ay dhamaantood ku marag fureen Xasan Xanafi Xaaji inuu ahaa Sarkaal ka tirsan Al-habaab oo dilalka iyo shirqoolada wariyeyaasha u qaabilsanaa.

Waxaa kaloo la sheegay in Xasan Xanafi uu qirtay dambiyada qaarkood, isla markaana ku lug lahaa dilal qaar loo geystay Wariyeyaasha.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Barnaamij loogu magac daray Dilaaga Wariyaha laga sii daayay Telefishinka dowladda ee SNTV, kaasoo Xasan Xanafi uga hadlay dilal badan oo loo geystay Wariyeyaasha, waxaana uu mas’uuliyada dilalkaas dusha ugu tuuray Al-Shabaab, qaarkoodna wuxuu qirtay inuu ka qeyb qaadatay oo uu wax ka maleegay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment