3333 Views

Sababta Soomaaliya loogu diiday Suuqa Bariga Afrika

Sababta Soomaaliya loogu diiday Suuqa Bariga Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho,3 March 2016: Mudane C/salaan Hadliye, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ka warbixiyay sababaha Soomaaliya loogu diiday xubinimada Suuqa Bariga Afrika ee loo yaqaano EAC oo ay ku bahoobeen illaa lix dal oo ku yaala Bariga Afrika.

Mr Hadliye oo la hadlayay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in shuruudaha Soomaaliya laga doonayo ku biirista ururkaas ay yihiin kuwo horay u jiray, maadaama uu xusay in Soomaaliya ay ku taalo gobolka, isla markaana ay jiraan shuruudo gaaraya afar illaa shan oo lagu xiray Soomaaliya.

“Shuruudaha laga doonayay Soomaaliya waa kuwo awalba u rii jiray, maxaa yeelay Soomaaliya Gobolka ayay ku taala, waxaa jira waxbaayo afar illaa shan ah, in ku biirista ururkaas Suuqa Ganacsiga Bariga Afrika aysan waxba ka qabin dalalka xubnaha ka ah”ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Mar la weydiiyay shuruudaha Soomaaliya hor-yaalo ay yihiin Amniga, Soomaaliyana amni xumo ka jiro, xuduudaha la isu gudbi karo iyo Ganacsiga oo la is dhaafsado ay tahay shuruudaha muhiimka ah.

Wasiir Hadliye ayaa xusay in inta badan shuruudaha ay buuxin karaan, gaar ahaan Canshuurta dadka isu tallaabi kara, isagoo tilmaamay in horay u weydiisteen, balse iyaga iyo Koofurta Sudan balse dib loo dhigay.

“Shirkii Addis Ababa ayaa isku aragnay, waxaa ku balanay inay noo yimaadaan bisha April oo ay la kulmaan Madaxda dowladda, Wasiirada iyo Ganacsatada, ma aaminsani in Amni xumo naloogu diido, hadiiba loo ogolaaday Koofurta Sudan, Soomaaliya waa ka qeyb geli kartaa”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in tartiib tartiib ay Soomaaliya ugu biiri karto Ururka EAC, isla markaana la eego waxa faa’idada ka soo galaya hadii ay ku biiraan, isagoo tilmaamay in muhiimada tahay in ganacsiga soo noqdo, canshuurta ganacsatada ay bixiso, lana isu gudbi karo dalalkaas oo dhan.

Suuqa Ganacsiga ee Bulsshada Bariga Afrika ayaa waxaa xubin ka ah lix dowladood oo kala ah Tanzania, Rwanda, Burundi, Kenya, Uganda iyo Koofurta Sudan oo maalintii shalay si rasmi ah loo shaaciyay inay ku soo biirtay. Soomaaliya weli looma ogola suuqa la isku bahaystay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment