3540 Views

Xagee Laga heystaa Arsenal 2 Guuldaro 1 usbuuc……

Xagee Laga heystaa Arsenal 2 Guuldaro 1 usbuuc……
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 3, 2016  – Waxaa la Ciyaaray Kulamo ka tirsan Meertada 28 ee horyaalka ingiriiska 2015-2016,waxaana kulamadaasi oo natiijooyinkooda qaar ka mida la sugayay ku guuldareystay inay hogaanka horyaalka ingiriiska markii ugu horeysay qabtaan kooxda totenham oo xalay dhinacooda dhulka la dhigay ka dib markii kooxda West ham ay ku suuldaartay 1-0,waxaana guuldaradaasi ay dhabr jabisay Totenham oo Maalmahaan u hanweyneyd Hogaaminta horyaalka ingiriiska 2015-2016

kulamadii kale ee dhacay Naadiga Coach Wanger ee Arsenal ayaa waxaa usbuuc gudihiis soo gaartay guuldaradii 2 waxaana Arsenal afka ciida ugu daray garoonkooda Kooxda ka dhsian Gobolka Walles ee Swansea City ,iyadoo goolka Guusha Swansea uu u dhaliyay Daqiiqadii 74 Ashley Williams.waxaana guuldaradaan Ay Arsenal gayeysiisay inay sameyn weyso wax horusocod ah oo ku aadan loolanka loogu jiro hanashada Horyaalka Ingiriiska oo ay ka harsan yihiin kulamo gaaraya 10 Ciyaarood
sidoo kale hadaan soo qaadano Ciyaarihii kale ee la ciyaaray xalay sidatan ayey noqotay Natiijada.
Liverbool vs Man City  3-0
Man utd  vs   Watford    1-0 Goolka madiga ah ee  Man Utd waxaa qalinka ku duugay Daqiiqadii 83 Juan Mata
Stoke City vs Newcastle   1-0
 Horyaalka Ingiriiska 2015-2016 ayaa maraya Meertadiisii 28 waxana hogaanka u haya Kooxda Liecester oo leh 57 dhibcood.halka Kooxda difaacaneysa horyaalka ee seegtay Xili ciyaareedkaan oo ah Chelsea ay kaalinta 10 kaga jirto waxaana ay leedahay 39 dhibcood.
arsenal-guul-daro-2LONDON, ENGLAND - OCTOBER 24:  (L-R) Olivier Giroud, Santi Cazorla and Aaron Ramsey of Arsenal look dejected during the UEFA Champions League Group B match between Arsenal and FC Schalke at the Emirates Stadium on October 24, 2012 in London, England.  (Photo by Shaun Botterill/Getty Images)

.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment