3441 Views

Cali Gaab “Aniga ma qabo 100% hoobiyeyaasha la soo tuuro in Al-Shabaab kaliya yihiin”

Cali Gaab “Aniga ma qabo 100% hoobiyeyaasha la soo tuuro in Al-Shabaab kaliya yihiin”
____________________________________________________________________________

Muqdisho,4 March 2016: Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir,  ayaa sheegay in falalka amni darri ee ka dhaca magaalada Muqdisho aanay kaliya ka dambeyn Al-Shabaab, balse ay jiraan dad kale oo si xun wax ku raadinaya ee dan gaar ah leh.

“Aniga ma qabo 100% hoobiyeyaasha baabuurta gadaal laga feedo laga soo tuuro in Al-Shabaab kaliya yihiin, mana ahan dagaal caalami ah, waa kuwo diidan nabada iyo nolosha dadka ama si kale wax ku raadinaya”ayuu yiri Cali Gaab.

Waxaa uu sheegay in dhowr jeer weeraro sidan ah laga hortagay, isagoo xusay in meelihii u dambeeyay ee madaafiicda laga soo tuuray ay ahaayeen goobo la deganaa, xataa mid laga soo tuuray dhismo dabaq ah hoostiisa ay korkiisa ciidamo saarnaayeen.

“Dad ayaaba caqligooda mooda in garaado iyo sumcad lagu helayo, ama raba xil xoog iyo qajajac inay ku helaan, reer Muqdisho waxaa ka ravnaa hadaan anaga arkin iyaga ayaa arkaya, ciidamada ayay wici karaa ama dad wadaniyiin ah, ha nagu soo wargeliyaan”ayuu yiri Taliye Cali Gaab.

Wasaaradda Amniga gudaha ayaa dhowana sheegtay in hoobiyeyaashoo dhowaan lagu soo tuuray Madaxtooyada iyo xaafadaha u dhow dhow loo qabtay tiro dad ah iyo gaadiid looga shakisan yahay in hoobiyeyaasha laga soo dhex tuuray, balse waa la ogaan-doonaa.

 

 

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment