5754 Views

Isbitaalka Somali German oo qaliin ku guuleystay (Warbixin )

Isbitaalka Somali German oo qaliin ku guuleystay  (Warbixin )
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 4, 2016  – Isbitaalka Caalamiga ah ee Somali German Hosbital ee ku yaala Xaafada Nasiib Buundo ee Degmada Boondheere ayaa ku guulestay Qaliin lagu sameeyay Hooyo soomaaliyeed  waxaana  qalinkaasi ay hooyadu ku dhashay Gabar loogu magac daray Xafsa ahna Cunigii 4 ee Hooyadaasi qaliin looga sameeyo.

.

Dr Mansoriger oo ah dhaqtar si weyn looga yaqaan Gudaha Dalka jarmalka kana howlgali jiray Magaalada frank Fort ee Cariga Jarmalka balse haatan  ka howlaga Isbitaalka Somali German ayaa ku guuleystay Qaliinkaasi lagu sameeyay Hooyada Soomaaliyeed,waxaana qaliinkaan uu ahaa mid weyn oo Najaxay 3-3-2016.
.
Maamulaha Guud ee Isbitaalka Casriga ah ee Somali German Dr Ibraahim Cali xasan oo ka warmayay Howsha qaliinkaan lagu guuleystay ayaa yiri’ALLaha Subxaanuhu watacaalaa ayaa mahadaasi iska leh,Runtiina isbitaalka Somali German Hosbital wa amid markasta ay ka goan tahay Caawinta bulshada Soomaaliyeed ee u baahan Gargaarka caafimaadka.
.
Dr Ibraahim Cali Xasan waxa uu sheegay in Mudadii  yareyd ee isbitaalku furnaa uu ku talaabsaday Horumar  muuqda,waxa uuna xusay in Dadaalka ay wadaan ay  laba laabi doonaan isla markaana isbitaalku noqon doono Mudooyinka soo socda mid ay ku soo hirtaan shacabka Soomaaliyeed.
.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in Maalin kasta oo khamiis ah ay tahay Fiisitada isbitaalka mid lacag la,aan ah isla markaana isbitaalku yahay mid adeegiisa caafimaad u dhameytiran ya hay ,waxa uuna ugu baaqay dadka daneynaya in gacan lagu siiyo Daryeelka caafimaadkooda in gacmo furan isbitaalku ku soo dhaweyn doono.
.
Isbitaalka Somali German Hosbital waa sibitaal casri ah oo u shaqeynaya sida isbitaalada caalamiga ah  oo kale waxaana isbitaalku ka kooban yahay qeybo kala duwan oo mid kasta u dhameystiran yahay Adeegiisa,waxaaana ka howlagala dhaqaatiir kala duwan  iyo shaqaale loo carbiyay howlaha caafimaadka.
.
ugu  Dambeyntii waxaan oran karnaa boondheere waa baraartay mar ahdii Waa cusub u baryay 2016 isla markaana adeeg caafimaad oo lagu diirsan karo ay heleen Bulashada Muqdisho ku dhaqan iyo nawaaxigeeda.
.
 
Qaar ka mida bukaanada jiifa isbitaalka Somali German Hosbital oo aan wax ka weydiinay sida ay u arkaan waxqabadka isbitaalka Somali German waxa ay noo sheegeen inay ku faraxsan yihiin 100% qaabka isbitaalku gacan uga  geystay baahidooda Caafimaad iyagoo u mahadceliyay Maamulaha Guud ee isbitaalka Dr Ibraahim Cali Xasan oo isagu  hormuud ka ahaa agaasinka Howshaan Hirgalinteeda.
.
.
.
_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment