3939 Views

Mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo ka qeybgalay kulanka baarlamaannada Afrika

Mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo ka qeybgalay kulanka baarlamaannada Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho,4 March 2016: Shirka baarlamaanada Afrika oo looga hadlay warbixin ay soo diyaarisay waaxda Ururka Midowga Afrika uqaabilsan arrimaha Nabadgalyada iyo amaanka, ayaa lagu sheegay in weeraro isdaba joog ah ay sanadkaan kooxaha argagixisada ah kusoo qaadeen fariisimaha ciidamada nabad illaalinta ee midowga Afrika ee ku sugan gudaha Soomaaliya, iyadoo dhanka kale qaraxyo lala beegsaday goobo dad rayid ah ku sugnaayeen.

Mudanayaal gaarayay illaa lixdan Mudane oo ka kala socday Wadamada Qaarada Afrika, ayay si weyn ugu doodeen  Amaanka iyo Nabadgalyada ciidamada nabad illaalinta ujooga dalka Soomaaliya iyo sida looga hortagi karo dhaqaalaha ay helaan kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalamaya Qaarada Afrika.

Xildhibaan Cabdi Xukun oo ka mid ah mudanayaasha Soomaaliya umatala Baarlamaanka Pan Afrika kana qeyb qaadanayay su’aalihii la weydiinayay Agaasimaha Waaxda Amaanka iyo Nabadgalyada Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay inaysan Soomaaliya xamili karin ciidamo lagu soo kordhiyo ciidamada jooga hadda ee nabad illaalinta ah, isagoo walaac ka muujiyay in ciidamada wadamada dariska ah ka qeyb qaataan nabad illaalinta dalka Soomaaliya.

“ Soomaaliya ma xamili karto ciidamo dheeraad oo ka socda Afrika in hada la keeno,waxaa haboon in la tayeyo ciidankeena si ay u sugaan nabad galyada “ayuu yiri Xildhibaanku.

Roger Nkodo Dang oo ah Madaxweynaha Baarlamaanka Pan Afrika oo shir gudoominayay Kulankaan ayaa Safiirada Qaarada Afrika la yeesheen oo dhanka Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika uu matalayay Siihayaha Safiirka ahna Xoghayaha Labaad ee Safaaradda mudane Axmed Maxamed Kheyre, oo ay madaxweynaha warbaahinta wax kaweydiisay waxaa looga hadlayay ayaa sheegay inay isla soo hadal qaadeen qodobo dhoor ah oo ay ka mid ahaayeen dhibaatooyinka muwaadiniinta Afrikanka ah ee ku sugan Koonfur Afrika lagu haayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin sharci siinta, dhaca dukaamada iyo jirdilada loo geysto dadka Afrikanka ah ee ku nool wadankaani Koonfur Afrika. Wuxuu intaa ku daray in looga hadlay arrimaha argagixisada iyo amaan darada Afrika ku baahsan sidii la iskaga kaashan lahaa.

Kulanka Baarlamaanada Afrika oo furmay horaantii todobaadkaan laguna soo gabagabeeyay xaruntiisa magaalada Johannesburg oo ay shirar gaar gaar ah iyo mid guudba yeesheen mudanayaasha ka qeyb qaadanayay ayaa lagu balamay kulanka bisha April iyo May ay iskugu imaanayaan xildhibaanada guud ee Baarlamaanka Pan Afrika lagu sii xoojiyo qodobadii shirka ka soo baxay, go’aana lagu gaaray.

????????????????????????????????????????????????????????????????????????

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment